Somaliland: 18-ka May Sanadkan Ma Jiri Doono Isu Soo Bax Dadweyne

0
1011

Hargaysa (HP): Xuska sanad-guurada 29-aad ee dib-ula-soo noqoshada madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland oo ku beegan maalinta beri ah ee 18 May, ayaa loo xusayaa qaab ka duwan sidii hore.

Laba sababood awgeed. Kuwaasoo kala ah iyadoo uu dalka ka jira caabuqa Coronavirus iyo Ramadaanta lagu jiro.

Gaardiska Dhoola-tuska Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, waa xuska 23aad ee aasaaskii Ciidanka.

Iyadoo laga duulayo ilaalinta bad-qabka shacabka, waxa la hakiyey munaasibadihii dhoola-tuska ahaa ee lagu qaban jiray fagaareyaasha magaalooyinka, waxaana dadka lagu wargeliyey in ay guryahooda ku dabaal-degaan.

Madaxda Dawladda ayaa dadweynaha kala hadli doona Telefishannada oo laga baahin doono khudbado toos ah, sida ay sheegeen saraakiisha Dawladdu.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo todobaadkii hore wariyeyaasha kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa shacbiga ku war-geliyey in la hakiyey banaan baxyadii xuska maalmaha qaran ee 18 May iyo 26 June.

Hase yeeshee, magaalada Hargeysa ee caasimada dalka, ayaa waxa caawa laga dareemayaa saxmad iyo sawaxan dadweyne oo la xidhiidha xuska maalinta qaran.

Dhalinyaro ku lebisan calanka dalka oo gaadiid wata ayaa lagu arkayaa waddooyinka iyagoo maraya, isla markaana muujinaya shucuurtooda wadaniyadeed, kuwaasoo ku dhawaaqaya hal-ku-dhigyo ay ku muujinayaan qaranimada.

Laakiin se,  marka la barbar dhigo sanadihii hore, maaha isu soo bax amma dhoola-tus la mida kuwii hore habeenkan oo kale.

https://www.facebook.com/1510997884/posts/10223124173241971/?

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY