Somaliland: 174 Qof oo ku dhintay Shil Gaadhi tobankii bilood ee sanadkan

0
1599
Mid kamida Shilalka Gaadiidka ee ka dhacay Hargeysa…xuquuqda Saleban Kalshaale.. GNA

Hargeysa, (HargeisaPress) —Somaliland waxa ay kamid tahay wadamada Shilalka gaadiidku  dhibaatada  joogtada ah ku hayaan bulshada. Sanadka waxa ka dhaca Boqolaal Shil gaadiid oo sababa dhimasho, dhaawac iyo Burbur dhaqaale, iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhayaan Shilalka iyo waxyeellada ay geystaan.

Ka sekow dhimashada iyo burburka dhaqaale ee ay sabab u noqdaan Shilalka Gaadiidku, waxa  dad badan ka soo gaadha Naafanimo nololshooda saameyn taban oo madho ah ku reebta.

In ku dhow afar kun oo Shil gaadhi ayaa dalka ka dhacay tobankii bilood ee sanadkan 2018-ka, waxana ku dhintay dad ka badan 174  Qof.

Sanadkii hore tirada shilalka Gaadiidka ee Somaliland ka dhacay wuxuu ahaa 4092 Shil Baabuur, sida ay sheegeen Saraakiisha Laanta Nabad-gelyada Waddooyinka oo daraasad ku saabsan Shilalka Baabuurta ku soo bandhigay Munaasibad lagu xusay Maalinta xusuusta waxyeellada Shilalka Gaadiidka.

Shirkadda Takaful oo ka qayb-qaadatay yarreynta Khasaaraha Shilalka Gaadiidka

Munaasibadan oo ay soo qabanqaabisay Shirkadda Caymiska ee Caalamiga ah ee Takaful, waxa ka qaybgalay Wasiirro ka socda Xukuumadda, Saraakiil ka socda Ciidanka Nabad-gelyada Waddooyinka iyo masuuliyiin kale.

Shilalka Baabuurta inta badan waxa sabab u noqda burburka Waddooyinka iyo masuuliyad-darrada wadeyaasha Gaadiidka, ayey ku sababeeyaan khubarada u dhuunta daloola Shilalka Baabuurtu.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here