Somalia: Khilaaf Ka Dhex Taagan Shirkadaha Diyaaradaha iyo Hay’adda Duulista

0
898

Muqdisho (Hargeisa Press)- Guddiga Midowga Shirkadaha Diyaaradaha Soomaaliya, ayaa ku dhowaaqay in laga bilaabo berri la joojiyay dhammaan duulimaadyada gudaha Soomaaliya, sida lagu baahiyay War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga shirkadaha.

Sidoo kale, Guddiga ayaa Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ku eedeeyay in ay ku guul darreysatay hubinta Ammaanka Diyaaradaha iskaga safraya Guddaha Soomaaliya.

Dhinaca kale, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, ayaa beenisay eedaha loo jeediyay ee ku aadan hubinta badqabka garoomada iyo Diyaaradaha u safraya Gudaha Soomaaliya.

“Hay’adda Duulists Rayidka Soomaaliya (HDRS) waxay masuul ka tahay badqabka dhamaan duulimaadyada iyo Garoomada Soomaaliya, iyadoo ka duulaysa qaanuunada caalamiga ah (ICAO) iyo kuwa dalkaba ( SOMCARS).
HDRS waxa ay halkaan ku cadeyneysaa in ayna jirin wax khatar ku ah badqabka duulimaadyada Soomaaliya gudahiisa ah” ayaa lagu yidhi War-saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda.

Sidoo kale, qoraalka ayaa waxaa lagu yidhi “Hay’addu waxba kama oga warqada lagu baahiyay baraha bulshada ayna sumadeedunu tahay Ref: AOA/008/6/2022 kuna taariikhaysan 18th June 2022 Iyo khatarta ay kahadlayso”.

LEAVE A REPLY