SOLJA: URUR SAXAAFADEED JIRA MISE ARDAA MADHAN Qalinka: Axmed Cisman Batuun

0
789
Axmed Cisman Batuun

Waa Ayo Cidda Uu Matalo Ururka SOLJA, Muxuuse U Qabtaa Saxaafaddasida bulshada inbadan oo ka mid ahi aaminsantahay dhaqanadda ururada sheegta inay matalaan qaybaha bulashada waxaa lagaga cawdaa in aanay xog iyo  war sugan midna ka haynin hadba cidda ay magacooda sitaan ee ay matalayaan waa caado ay saamaxayso duruufo badan oo ay ka mid tahay xisaabtanka ka dhexeeya iyaga iyo bulashadaasi,waxaa kaloo qayb ka ah sharciyada xakeemaya hay,adaha noocana oo aan ahayn qaar sidii loogu talogalay u fula ama u shaqeeya.

 

saxaafadu waxay ka mid tahay dhibanayaasha ururdan bulashada waxaana markahaati u ah taasi urur saxaafadeedka SOLJA oo sheegta inuu matalo dhamaan bahda saxaafadda somaliland sida magaciisa ka muuqata masuuliyiintiisuna ay sheegaan iyadoo aanay is lahayn magaca uu huwanyahay iyo xaqiiqda saxaafadda dhexdeeda taal.

 

Inkastoo la odhan karo waqtiyadan danbe waxaa jira dhaqdhaqaaq loo maleeyo in shaqo kooban xafiisku qabto,oo uu jiro qaab dhismeed urur wax u eegi haba yaraadee hadana taasi maaha mid u cuntamaysa bahwaynta saxaafadda somaliland oo taariikh ahaan waayo adag soo maray qaarna ku gadaamayihiin waqtigan  iyagoo ka shaqeeya goobo kala duwan kuna shaqeeya duruufo kala duwan.

 

SOLJA :ma jirto xog rasmi ah iyo xidhiidh sugan oo uu ku kulmiyo saxaafadda waxana dhici karta in da,yarta qaarkood aanay aragba halka xafiiskani kaga yaal dalka, ama aanay maqal sidoo kalana ma jiro xidhiidho soo ururiya ama xidhiidhiya saxafiyiinta ka shaqeeya gobolada dalka kuwaasoo qayb ka ah xayndaabka ururkan.

 

SOLJA inta badan wuxuu xoogga saara ka jawaabista dhaliilaha lagu sheego maamulka hadba jooga xafiiska iyo sidoo kale canbaaraynta xadhiga wariyayaasha qaarkood iyadoo ay dhacdo in ururku aanu ka hadlin una hadlin saxafiyiin la kulma arimahan qaarkood sida kuwa u shaqeeya dawlada oo aanu ururkani ogayn inay ka mid yihiin kuwa uu magacooda huwan yahay iskana xilsaarin.

 

SOLJA waa urur ku guuldarraystay inuu saxaafadda ka caawiyo dhinacyada tabobarrada,qalabka,iyo isgaashsiinta taasoo ahayd inay ugu horrayso shaqadooda isla markaana keeni lahayd inuu kobco isfahanka iyo kalsoonida u dhexeeya saxaafadda iyo bulshadu.

 

SOLJA waa urur aan ka talo qaadan ehelkiisa isla markaana xataa aan lahayn xafiis loogusoo hagaajiyo talooyinka ay bixin lahaayeen bahdiisu balse hadba koox koobani ay maroorsato taladiisa.

 

SOLJA ma laha qaab iyo shax qiimaysa saxafiga wanaagsan oo abaal marisa iyo sidoo kale mid saxda saxafiga qaldama taasoo ah boog halis ku ah mihnadda saxaafadda.

 

SOLJA waa urur aan lahayn nidaam iyo qaab loo caawin karo saxafiyiinta ay soo foodsaaraan arrimaha dabiiciga ah sida xanuun ama wax la mida taasoo canaanteeda hogaanku leeyahay.

 

Iskusoo duuboo waxaa lagama maarmaan ah in ururka SOLJA uu dhugto xaqiiqda iyo waayaha saxafiga iyo saxaafadda sidoo kalana uu sameeyo hab sidan dhaama oo uu isku halayn karo saxafi kastaa kuna salaysan cadaalad iyo sinaan lagu qaybsado wax kasta oo yaalla isla markaana ururku uu yeesho siyaasad dheelitiran oo wax ku kordhisa saxafiga taasoo keeni karta in bahda warbaahintu door laxaadle oo hufan ka qaataan dhismaha iyo toosinta qarankan muujin kartana  kaalintii ay ku lahaayeen ee firfircoonayd  dhismihii dalkan,isla markaana jiilka mustaqbalka u jeexda dariiq sax ah.

 

Ugu danbayn ururka SOLJA waa inuu ka run sheego magaca sharafta iyo karaamada leh ee uu  huwanyahay,isla markaana xaqiiqsado qabyada iyo baylahda dhinacyda kala duwan ee hor daadsan,taasoo hadii loo dadaalo laga goosan karo midho anfac u yeesha dalkan iyo dadkan oo saxaafadda iyo bulshadu ku yaqiinsadaan hore u socodkooda iyo hiigsigooda mustaqbalka.

 

Qalinka: Axmed Cisman Batuun

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here