SOLJA Oo Qabtay Kulan Ku Saabsan Dar-dargelinta Xeerka Saxaafadda Somaaliland

0
735

Hargaysa (HP): Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa maanta magaaladda Hargaysa ku qabtay tababar ku saabsan meel-marinta, iyo wax ka bedelka xeerka saxaafadda ee Somaaliland.


Tabbabarkani ayaa looga gol lahaa sidii loo dar-dargelin lahaa, isla markaana loo taageeri lahaa meel-marinta iyo wax ka bedelka xeerka saxaafadda Somaaliland ee Xeer No.27/2004.


Tababarkaasi oo socday muddo hal maalin ah waxaa furitaankiisa ka soo qayb galay agaasimaha guud ee ururka SOLJA Ismaaciil Axmed Ismaaciil, xoghayaha ururka SOLJA, iyo xubno ka mid ah golaha fulinta ee ururkaasi.
Sidoo kale waxaa tababarkaasi ka qayb qaadanayay oo loo qabtay saxafiyiin ka kala socday qaybaha kala duwan ee warbaahinta Somaliland gaar ahaana kuwa ka hawl galla magaaladda Hargaysa.


Waxa kaloo tababarkani ka qayb qaadanayay xubno ka socday urrurda bulshadda rayidka ah ee u dhaq-dhaqaaqa arrimaha xoriyadda saxaafadda, iyo madax banaanidda qoriyadda hadalka.
Waxaana intii lagu guddo jiray tababarkaasi la isla gorfeeyay sidii looga wada shaqayn lahaa meel-marinta iyo in goleyaasha sharci dejinta la hor geeyo xeerka saxaafadda Somaliland oo dhawaan kaabis iyo wax ka bedel lagu sameeyay.

Agaasimaha ururka SOLJA oo xidhitaanka kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa ka qayb galeyaasha kula dar-daarmay in wixii macluumaad iyo aqoon ah ee tababarkaasi ay ka faa’iidaysteen in ay gaadhsiiyaan qaybaha kale ee bulshadda.
Iyadoona saxafiyiintii, iyo xubnihii ka socday ururadda bulshadda rayidka ah isla tababarkaasi loogu qaybiyay nuquladda xeerka saxaafadda Somaliland ee dib loo habeeyay, kaasoo aan weli la hor-gaynin goleyaasha sharci dejinta.


Gebagabadii tababarkaasi ayaa la isla meel dhigay sidii loo garrab istaagi, isla markaana looga wada shaqayn lahaa xeerka saxaafadda Somaliland.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY