Sodon Beenood Oo Laga Faafiyay iyo Sadex Meelood oo ay Ka Shabahdo Maka-Allmukarama Warbixin:

0
1085

Laascaanood,(HargeisaPress)—Buuraha ka xiga Gees Kasta Waqooyi,Galbeed iyo Koonfur,oo badhkood Gudaha Magaalada ku yaalaan,Ayaa Lagu Suureeyaa,in ay Tahey Magaalada Juqraafi ahaan ugu Muuqaalka dhaw.Magaalada Barakeysan ee Maka Almukarama,ha usoo Raaco Ceelka Durdurka ah ee Biyaha Macaan oo Isaguna kuyaala Cidhifka Koonfur Galbeed ee Laaascaanood Kobta uu Ceelka Biyaha Zamzamka ahi kaga yaalo Makka, iyo Waliba Jidka Laga soo gallo iyo Kan looga Baxo oo labaduba ah astaanta Magaalada Makka Maadaama Laba buurood dhexdood laga soo gallo labada Buurood Dhexdoodna laga baxo.

Magaalada Laascaanood,Waxa Maalinba Maalinta ka dambeysa Sii kordhaya Tiradda Dadka guud ahaanba ku Nool Xiliggan Oo boqolaal kun kor.u dhaafey iyaddoo ay kor usocoto, dhaqdhaqaaqyada Bulsho oo ka Xoogaysaneyso,Maxasta oo Qeyb ka ah Xaalada ay hada ku Sugan tahey taas oo Siweyn looga dareemayo Da,yarta iyo Ardeyda Wax ka barta Dugsiyadda kala duwan ee Magaalada marka laga tago Dugsiyadda hoose iyo Kuwa DHexe Waxa ka Furan Shan Dugsi Sare oo mid Walba ay Wax ka bartaan Ardey tira badan, oo soo Qaatey Waxabarashadoodii Dugsiyada Hoose Dhexe Waxaanay Ardeydaasi aasaas u Yihiin Nabedgalayada iyo Xasiloonida Gunta kasoo Tolantey,Waxna ka badeshay Xaalaad kasta oo ay Awal hore Tusaale ugu aheyd Laascaanood.

Ubaxaa Seeska u Dhigay Aasaaska Nolosha Caadiga ah ee Bulshada Laascaanood Waxa ay hadda Qeybo.kamid ahi dhameysanayaan,Qaar kalena Bilaw u yihiin kuwana badhtanka kaga jiraan Waxbarashada Dugsiyada Sare Maadaama ay Laascaanood kuyaalaan Shan Dugsi oo Waaweyn oo Waxbarshada Fasalada Dugsiyada Sare ah kuwaas oo kala ah Gate-Way,Muuse-Yuusuf,Ileys,iyo Dugsiga Boodhinka, Nugaal Secondry School,Waxa kale oo kuyaala Afar Jaamacadood oo iyaguna Fursad u Noqdey in Aaney Culuuntii Jamaacadaha ee Dalal kale ay ugu baqooli jireen kaga maarmaan Waxaana kuyaala Afarta Jaamacadood ee Kala ah Nugaal-Universty,Golis-Universty,Sahal-Universty, iyo Ileys Universty.

Sikasta oo ay Tahey, Magaalada Laascaanood Waxa ay kaga Wacan tahey Magaalooyinka Waaweyn ee Ay hadda Wax lawadaagto ee Somaliland, Marka hore Sida ay uga Faa,ideysato Biyaha Roobka Xiliga Gugii oo Xaafad Waliba usameysatey, Barkad Weyn oo Gurigaa Joog ahaan Leeg taas oo Laga Cabo Ilaa Guga Dambe, iyo Ta labaad oo ah in Shacabku Dhaqan ahaan u ayidsan yihiin Isticmaalka Cunooyinka Midhaha ah ee Wadaniga ah Caanaha iyo Hilibka Xoolaha oo joogto Loo Isticmaalo iyagoo aan badhax laheyn, iyo Waliba Isirraaca Noloshii iyo Dhaqankii hore ee Dadka Soomaalida guud ahaanba.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRO

WQ: Cabdiraxmaan Nuux Axmed (Hiiraan)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here