Siyaasiyiinta Ka Soo Jeeda Somaliland oo Eedaymo U Jeediyay Farmaajo

0
1703

Muqdisho (Hargeisa Press) – Golaha Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee ku sugan Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay inuu feragelin ku hayo guddiyada doorashada ee sida ay sheegeen golahooda u matalaya Somaliland.

Golahan oo isugu jira siyaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in Farmaajo uu weli wado feragelinta guddiyada doorashada ee u matala Somaliland, waxayna ku eedeeyeen inuu jabiyay heshiiskii ahaa in magacaabista guddiyada ay ka tashadaan Ra’iisal wasaaraha, Guddoomiyaha Aqalka sare iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka.

“Waxaa noo caddaatay in Farmaajo si toos ah u soo ferageliyey howshii guddigii Wasiirada ee Ra’iisal wasaaraha u xilsaaray kala saarisa guddiyaddii dacwadda laga qabay, markii uu amray inay dib gu soo celiyaan xubno ka mida shaqaalaha dowladda oo ay hore uga saareen, kana mid yahay Khadar Xariir Xuseen oo uu Farmaajo u rabo Guddoomiyaha Guddiga Doorashada SEIT ee Somaliland,” ayaa lagu yidhi shirka jaraa’id.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo akhrinayay shirka jaraa’id ee golahan, ayaa sheegay inuu Farmaajo mid mid ugu yeedhay wasiirada ka soo jeeda Somaliland iyo odayaasha dhaqanka oo doonayay inay iska bedelaan xubnaha shaqaalaha dowladda, isagoo sheegay inuu culays ku saaray inay arrintan iskaga hadhaan.

Farmaajo ayay sheegeen inuu gacantiisa ku qortay shantii xubnood ee xukuumadda soo magacaabi lahayd ee ka mida Guddiyada Doorashada kala duwan ee Somaliland, waxayna ka digeen in la soo saaro liisaska Guddiyada Doorashada Somaliland iyadoo aan la isku afgaran.

Geesta kale, Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa waxay ugu baaqeen inuu shaqadiisa qabsado, maadaama uu isaga mas’uul ka yahay howlaha doorashada iyo hirgelinta heshiiskii 27 May lagu kala saxeexday Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY