Siyaasi Xasan Guure Jaamac oo Hargeysa Ku Geeriyooday

0
1780

Hargeisa (Hargeisa Press) – Alle Ha U Naxariistee Waxa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Siyaasi Caan ah Xasan Guure Jaamac, oo ka mid ahaa halgamayaashii ururkii SNM, mudooyinkii dambena ka mid ahaa siyaasiyiinta Madasha Wadatashiga iyo toosinta qaranka oo uu guddoomiye ka ahaa.

Alle ha u naxariistee Xasan Guure ayaa ku geeriyooday Xalay magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland, waxaana Marxuumku uu u geeriyooday Xanuunka COVID19.

Waxaanu marxuumku uu intii uu noolaa uu hormood u ahaa, si weyna uu uga soo qaybqaatay Nabada, Madaxbanaanida, iyo Dimuqraadiyada Somaliland.

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajucuun.

LEAVE A REPLY