Siyaasi Xamarje Oo Si Kulul Uga Hadlay Xadhiga Ramaax, Eedo Culusna Ujeediyay Madaxwayne Biixi.

0
891
Madaxweyne muuse-biixi-iyo Siyaasi Xamarje

“Ciil Qabkaaga Waxaan Moodaayey Madaxweynenimada Ka Hore, Balse Ilaa Hada Waad Wadaa”Siyaasi Xamarje,

HARGEISA- Siyaasi Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje) oo kamid Masuuliyiinta sare sare Ee Xisbiga Wadani Ayaa si kulul Ucanbaareeyay Xadhiga Sharci darada ee Xukuumada Madaxwayne Biixi Kula kacday Siyaasi Ramaax cali Hayse oo katirsan xisbiga ucid,

Sidoo kale Siyaasi Xamarje ayaa eedo culus Ujeediyay madaxwayne biixi Isagoo sheegay in uu yahay ciil qabe balse aan marnaba la joojinayn sheegista dhaliishiisa iyo toosinta qaranka .

Dhanka kale Siyaasi Xamarje ayaa ku baaqay In madaxwayne Muuse  biixi looga soo duceeyo Madaxwaynayaashii kursiga uga horeeyay oo uu sheegay in uu midwalba Hagardaamo Ugaystay,Wakhtigii ay Xilka Hayeen,

Siyaasi Xamarje ayaa qoraal uu arimahaasi kaga hadlo Oo Nuqul kamid Uu soo Gaadhay Shabakada Wararka Ee Wajaalenews Wuxuna Udhignaa Sidan;

“Waxaa Wax Aad Looga Xumaado ah ficilada foosha Xun ee lagula kacay (ina Cali hayste )qoys ahaan Waa qoysaska Taariikhda Qadiimka ah Ku leh Somaliland.Ramaax. maaha qofkaa in loo hanjabo iyo hatigaad Toona, Xadhigiisuna waa sharcidaro, Waana wax ugub inagu ah  Ficiladaasi, Qoysnimada Ina Biixi iyo Taariikhdiisana waxay ku tahay Dhaawac Waase  waqtiga,

Waxaan Ramaax leeyahay Qofka sidaa kugu yidhi, Iska hadlow ina igire .Hargaysina Maaha Meel Dadka Lagu Hatigo

Mudane Madaxweyne Maanta lagama sugeynin Xadhiga Ramaax ee  Hawl ka weyn ayaa lagaa sugayey fulinta heshiiskii.

Ciil Qabkaaga Waxaan Moodaayey M/weyne nimada Ka Horene, Dee Ilaa Hadana Waad Wadaa,Waxaanse ku leeyahay .SNM Waa wada lixle toosin Tilmaan Kursigaa Leh Hadaanad U Adkaysan karayn  Dee Iska Banee Xilka,

Xadhiga Siyaasada Ah Adaa MadaxWeyne. Ka Biqi Jiray. Balse Waaba lagu dalacaa!

M/weyne .sharcigaa Adiga Ka weyn ( Ramaaxna Intuu Hadlayey. Inta Ku Dhibtay Waan Garan Karaa .Malahayga .

Dhanka kale siyaasi xamarje ayaa ka hadlay Qodobadii Ay ergada dhex dhexaadinta kusoo afjareen khilaafka xisbiyada iyo xukuumada.

“Odayaashii Ergada ahaa go.aamadoodii Aad loogu mahadnaqay

Waxay muujinaysaa Somaliland  Waxkastoo Soo food Saara inay Ka gudbayso .meel looga baqan Aanay jirin .Dareenka Shacabka s/land .Qabiil Gobol Iyo belo waa Umad isu Tashata

Dhakhsana u ogaaday waxa qaldani inuu is moodsii uun yahay filan waaguna sunaha nolasha. Waa wax ku jira .

IinshaAallaha Hogaamiyaheenuna .wuxuu han badan u lahaa Hogaaminta Dalka Somaliland. Laakiin .Waxaan is leeyahay Madaxweynayaashii ka Horeeyey.Malaha Waxbaaba Kaga Duulay. Waayo kuu La Jiray iyo Kuu kasoo Horjeedayba. Mid Aanu Hagardaamo Kula kicin Ma Jirin. Waxaan leeyahay bal iyagana ha looga Soo Duceeyo.

WAJAALENEWS DESK

LEAVE A REPLY