Siyaasi Reer Kenya Ah Oo Ku Baaqay In La Aqoonsado Somaliland

0
600

Nairobi (Hargeisa Press.com): Ilyaas  Barre Shiil, oo ah caan ka  ah dalka Kenya  muddo dheerna ka tirsanaan jiray  baarlamaanka Kenya ayaa ku baaqay in la aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu  tilmaamay inay Somaliland shacabkeeda u hirgelisay  nabadgelyo  isla markaana ay tahay dhulka kaliya ee Soomaalida Geeska Afrika ee xasiloon.

Siyaasi IIyaas Barre oo ka soo jeeda gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegay in midnimadii Soomaaliya ay burburtay isla markaana ay Soomaaliya  bariinsadeen qas iyo xasilooni darro hadhaysay muddo dheer.

Siday baahisay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, oo soo xiganaysay hadal uu Isniintii toddobaadkan warbaahinta siiyay siyaasi Ilyaas Barre Shiil,  oo  qiray  in la joogo wakhtigii saxda ahaa ee beesha caalamku  aqoonsan lahayd  Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaannu xusay in cidda ka soo horjeeda ictiraafka Somaliland ay tahay cid  ka xun rajada ummadda Soomaalida, waxaannu ku dooday in kuwa ka soo horjeeda Somaliland  looga fadhiyo inay bulshadooda nabaddeeyaan.

Geesta kale  Ilyaas Barre Shiil,  wuxuu sheegay in Soomaaliya ay laynayso shacbigeedii, haddana ay sheeganayaan inay Soomaali middeynayan.

 

Waxaanu caddeeyey inuu shakhsi ahaan aqoonsan yahay in la ictiraafo Somaliland isla markaana uu ka dalbanayo  in adduunku  icitiraafo Somaliland.

Waxa kaloo uu u soo jeediyey shacabka reer  Somaliland in aanay niyad jabin waxaanu u rajeeyey inay Somaliland heli doonto aqoonsi caalamiya.

Siyaasi Shiil, ayaa  ugu baaqay inay sii adkeeyaan nabadgelyada iyo wadajirka ay haystaan.

IIyaas Barre, waxa kaloo uu  sheegay in dhawaan ay bilaabmi doonto duulimaad diyaaradeed oo iskaga gooshi doona Somaliland iyo Kenya.

Taasoo uu xusay inay sii mari doonto Wajeer oo ay iman doonaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinaca kale siyaasi Ilyaas Barre Shiil, oo laga soo dooran jiray gobolka woqooyi bari Kenya ayaa baarlamaanka Kenya ku jiray intii u dhaxaysa sanadihii 1994-kii  ilaa 2017-kii.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here