Siyaasi Mustafe Shiine: Ololaha Kheyre Ma Saari Karaa Kursiga, Mise Waa Mid Xuub Caaro Uun Ah oo Si Yar U Dumaaya Kolka Lagu Hamaansado

0
3097

London (Hargeisa Press) — Siyaasi Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine) oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland ayaa ka hadley olole uu baraha bulshada kawado Ra’iisal wasaarihii Soomaaliya ee xilka laga caydhiyay Xasan Cali Khayre.

Mustafe Shiine ayaa olaha Khayre kawado baraha bulshada ku tilmaamay mid uu u eekaysiinayo inuu yahay siyaasi awood badan, isagoona soo bandhigay dhaqaalihii iyo Awoodii uu ku bixin jiray baraha bulshada.

Wuxuu ku sifeeyay ololaha Kheyre laba mid uun inuu noqon karo, mid saari kara kursiga, ama mid xuub caaro uun ah oo si yar u dumaaya kolka lagu hamaansado.

Siyaasi Mustafe Shiine ayaa sidan ku sheegay qoraal uu soo dhigay boga uu ku leeyahay Facboog, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Fbga siyaasiga ma saari karaa kursiga?.

Xassan Cali Kheyre Raysal wasaarihii hore ee Farmaajo waxa uu xilka ku yimid magacaabid, durtadiibana waxa uu bilaabay olole dhinaca FBga iyo baraha kale ah oo u ekaysiiyay siyaasi awood badan, marka laga eego dhanka dadka wax ka cabira baraha bulshada.

Awooda fadhiday FBga waxa ay ku jirtay lacag iyo isticmaalka awooda iyo dhaqaalaha xafiiska la fadhiisiyay, haseyeeshee waxay xumbo noqotay kolkii 7 daqiiqadood lagaga tuuray kursigii markii horeba loo magacaabay.

Waxa dhinaca Somaliland jira rag fursadaa oo kale helay oo awoodooda isugu geeyay inay maalgeliyaan dhalinyaro xarfaan ku ah baraha bulshada iyo warbaahinta,  inkastoo ay iyagu Xassan Kheyre kaga duwan yihiin in dhalinta FBga uga wakiilka ahi ay qaarkood ku shidaaliyeen dhinaca qabyaalada oo ay u badan yihiin weliba ardaaga ay ka soo jeedaan.

Haddaba waxa su’aashaydu noqonaysaa ololaha Kheyreysani ma saari karaa kursiga, mise waa mid xuub caaro uun ah oo si yar u dumaaya kolka lagu hamaansado”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here