Siyaasi Ka Tirsan Xisbiga Kulmiye, Xil-na Ka Qabtay Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo Ka Qayb Galay Caleemo-saarka Axmed Madoobe

0
809

Kismaayo (Hargeisa Press)- Xaflada caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta lagu qabtay Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa ka qayb galay siyaasi xilal ka qabtay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi iyo tii Axmed Siilaanyo oo sidoo kalena ka tirsan Xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Waxaa sidoo kalena intii xafladdu ay socotay xidhiidh telefoon ah ku hambalyeeyeen madaxda maamulkaasi, hogaamiyeyaal Xisbi iyo Siyaasiyiin.

Munaasibadan waxa ka qaybgalay hogaamiyeyaasha asxaabta Mucaaridka ee Soomaaliya, madax ka socda maamul-goboleedyada iyo xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, mana jirin cid ku metelaysay Villa Somalia iyo Xukuumadda khayre oo ka qaybgalay, inkasta oo uu jooggay guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee aqalka sare ee Baarlamanka Federaalku.

Somaliland iyo Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland

Marka laga yimaado ollogyada siyaasadda Soomaaliya aaminsan ee ka qaybgalay xaflada, waxa jira marti dhif iyo naadir ku ah ka dhex muuqashada munaasibada Soomaaliya lagu qabto, taasoo ah in masuul ka tirsan asxaabta Somaliland oo sidoo kalena xilal ka qabtay Xukuumaddihii kala dambeeyey si ula kas ah oo sharciga dalka baalmarsan uu uga qaybgalo xaflad noocan ah.

Maxamed Aadan Cilmi (Ilkacase) oo ah Agaasimihii hore ee Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo arrimaha Bulshada, kaasoo muddo dhowr bilooda xilka ka sii maqnaa,  sidoo kalena xilal agaasimenimo oo ka qabtay wasaaraddo kala duwan tan iyo markii uu talada la wareegay 2010-kii xisbiga uu ka tirsan Golihiisa dhexe ee Kulmiye, ayaa isagoo si fiican u lebisan, dareen ahaana wajigiisa farxadi ka muuqato ka soo dhex mudhay xaflada caleemo-saarka Axmed Madoobe, waxaanu fadhiyey dhinaca midig ee Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland.

Ka qaybgalka siyaasigan ka tirsan xisbiga Kulmiye ee Munaasibada caleemo-saarka mid kamida madaxweyne-goboleedyada Soomaaliya, ayaa nabar culus iyo waji-gabax ku ah siyaasadda qasriga Madaxtooyada Somaliland iyo Xisbiga Kulmiye, doc-wareenna ku ah Dastuurka iyo xeerarka ka farcamay ee dalka, isla markaana falaadh kulul ku dhufatay qadiyada madaxbanaanida Somaliland ee dhidibbada loogu taagay go’aanka masiiriga ah 1991-kii markii ay la soo noqotay xoriyaddeeda.

lama oga in go’aanka uu Maxamed Ilkacase ku tegay Kismaayo uu yahay qorshe hoose oo ay Xukuumaddu ku dirtay iyo in uu si iskiiya u tegay, hase ahaatee waxa ay talaabadani beyaaminaysaa in uu fulay hindisihii uu hore warbaahinta uga sheegay xildhibaan Naasir Cali Shire oo kamida mudaneyasha Golaha Wakiillada ugu jira Xisbiga Kulmiye, kaasoo todobaadkii hore shaaca ka qaaday in ay Xaflada ka dhacday Kismaayo kaga qaybgaleyaan wefti ka kooban Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee  Baarlamanka iyo siyaasiyiin ka tirsan Asxaabta Qaranka muxaafid iyo mucaarid isugu jira.

Xildhibaan Naasir ayaa ka noqday hadalkaasi, kaddib markii uu dhaleecayn iyo cadho kala kulmay shacbiga iyo Xisbiyada mucaaridka ah, balse goob-joognimada Ilkacase ee munaasibada ayaa lagu tilmaami karaa mid xidhiidh la leh dhawaaqii hore ee Xildhibaanka oo xataa haddii aanay isku qorshe ahayn dhiiri-geliyey dariiqa Kismaayo.

Si kastaba haku dhacdee, agaasime Ilkacase iyo cid kasta oo Somaliland ka soo jeeda oo ku wehelinaysa ka qaybgalka xafladaasi, waxa ay jebisay qodobo Dastuuri ah iyo xeer-nidaamiye baarlamanku ku ansixiyey aqlabiyad, kaasoo ka qaybgalka Shirarka Soomaaliya awood u siinaya Madaxweynaha oo qudha iyo cida uu wakiisho, laakiinse taa lafteeda madaxweynaha waa ku khiyaamo haddii uu sameeyo ficilo dhiiri-gelinaya in Somaliland ku milanto siyaasadda Soomaaliya.

Geesta kale, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa intii ay xaflada caleemo-saarka Axmed Madoobe socotay Telefoon kula xidhiidhay Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Siyaad Aadan, oo isagu sidaasi xaflada ka sheegay. waxa uu sheegay in Eng. Faysal u tahniyadeeyey Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Maamulkiisa iyo in uu u muujiyey dareen ah in uu ka xun yahay in maamulka Madaxweyne Farmaajo u carqaladeeyey, si lamida faro-gelinta uu ku hayo Somaliland.

Image result for faysal cali waraabe

Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa la saadaaliyey in uu doonayo in uu ka qaybgalo Xafladan.

Ugu dambeyn, inkasta oo aanu caddeyn mowqifka Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ee ku wajahan ficiladan lidiga ku ah qaranimada Somaliland, isla markaana dhiiri-gelinaya in ay si toosa ula fal-galaan siyaasadda Soomaaliya shacbiga Somaliland, haddana wali lagama rejjo dhigin in ay talaabo adag ka qaado ashkhaasta saameynta hogaamineed iyo siyaasaddeed ku leh dalka ee doc-faruuray Dastuurka Qaranka iyo masiirka umadda, kuwaasoo dariiqa ay fureen laf-jab ku yahay madaxbanaanida dalka.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here