Siyaasi Cabdillaahi-dheere: “Cadaawada Habar Lamaan Maaha Mid La Kowsatay Caare iyo Bixitaankiisa”

0
577
????????????????????????????????????

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumaddii Axmed Siillaanyo Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere), ayaa ku taliyey in xal waara laga gaadho colaada Ceel-afweyn.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumaddii Axmed Siillaanyo Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Cadaawada soo noq-noqotay ee labada reer ee wada degan Ceel-afweyn ee habar lamaan, maaha colaad iyo dagaal imika bilaabmay,cadawada habar lamaan maaha cadaawad la kowsatay caare iyo bixitaankiisa, ee muddo ayey soo socotay, oo labada reer kolba is laynayeen, haddii hore loogu ducayey, oo heshiis loo kala saxeexay, isla markaana labada dhanba la dhaariyey, oo haddana ay soo noqotay cadaawadii, waxaan leeyahay mar walba aynu u ducayno  oo qalbibga aynu uga ducayno, dhiigaas daadanayana  ee gardarada lagu daadinayo waa dambi aad u weyn, Dawladduna sida ugu dhakhshaha badan xal waara ha ka dhex dhaliso labada reer, labadan reerna si gaar ah waxaan u leeyahay ALLE ka baqa, oo akhiradiina ilaashada”

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY