Sirdoonka Soomaaliya Ee NISA oo Sheegtay In Ay Tallaabo Ka Qaadayso Wariye Haaruun Macruuf oo VOA Ka Tirsan

0
2062

Muqdisho (Hargeisa Press)- Hay’adda nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay inay tallaabada sharci ah ka qaadeyso Weriye Haaruun Macruuf oo ka mid weriyayaasha ka howl-gala laanta Af-Soomaaliga ee VOA.

Qoraal ay soo dhigtay barta twitter-ka ayey NISA ku sheegtay in Haaruun Macruuf uu leeyahay xidhiidho khatar ku ah amniga Soomaaliya, kuna kacay falal ka baxsan anshaxa warbaahinta, sida lagu sheegay qoraalka.

Qoraalka ayaan intaas ku daray “Waxaan hay’adaha dalka la wadaagaynaa inay ka feejignaadaan xidhiidhkiisa, soona wargaliyaan laamaha amniga qaranka.”

Qoraalka NISA ma bixin wax faah-faahin oo ku saabsan xidhiidhada lagu eedeeyey Haaruun Macruuf iyo waxa ay yihiin.

Haaruun Macruuf ayaa waxa uu caan ku yahay in inta badan uu ka warramo arrimaha amniga, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab iyo weerada ay fuliso, isaga oo qoray buug si gaar ah uga hadlaya Al-Shabaab.

Waxa uu sidoo kale leeyahay barnaamij sameeya baadhitaanada oo lagu magacaabo “Galka Baarista”, kaasi oo marar badan baahiyey, banaankana soo dhigay xogo ka qarsoon shacabka Soomaaliya, oo qaarkood ku saabsan musuq-maasuq ka dhex jira hay’adaha dowladda iyo gaabsi dhanka ah amniga ah oo ka muuqda hay’adaha amniga dowladda.

Haaruun Macruuf weli kama jawaabin warka caawa kasoo baxay NISA. Hase yeeshee, waxaa cad in arrinta ayna ka marmi doonin VOA oo uu ka shaqeeyo, maadaama ay tahay hay’add ay leedahay dowladda federaalka Mareykanka.

 

Hargeisa Press Desk/Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here