Shirweyne Qaran oo Lagaga Hadlayo Xalka Caqabadaha Doorashada Somaliland oo Hargeysa Ka Furmay

0
548

Hargeysa,(HargeisaPress)- Shir-weyne Qaran oo ay soo agaasintay Akaademiyadda nabadda iyo horumarinta Somaliland, isla markaana lagaga hadlayo doorashooyinka Somaliland Caqabadaha ku xeeran iyo sidii loo fardaamin lahaa khilaafyada ay deriska la noqdeen dhaqaajinta hawlaha doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka iyo guddiga doorashada oo lafteeda khilaaf ka taagan yahay.

Shirkaas oo ka furmay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, muddo laba Cisho ahna socon doona, waxaa ka qaybgalay badi Guddoomiyeyaasha Jaamacadaha, Aqoonyahanka Dalka iyo Ururrada Bulshada ee waddaniga ah qaarkood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here