Shirweyne Loogu Gogol-xaadhayo Xal U Helidda Duruufaha Dhaqaale Ee Somaliland

0
926

Hargeysa (Hargeisa Press) – Kulan hawleed loogu gogol-xaadhayo shirweynaha dhaqaalaha heer qaran, ayaa ka qabsoomay magaalada Hargeysa, kaas oo uu guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Hurumarrinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ahna guddoomiyaha gudi-hoosaadka dhaqaalaha ee Golaha Wasiirada.

Shirweynaha oo lagu wado inuu magaalada Hargeysa ka qabsoomo 10 ilaa 12 September, 2022, waxa mudada uu socdo lagu faaqidi-doonaa duruufaha dhaqaale ee hada jira, iyada oo laga rajaynayo inay ka soo bixi doonaan talaabooyin xal u noqon doona culaysyada dhaqaale ee jira.

Sidoo kale, waxa iyana aan meesha ka maqnayn oo ajendaha ku jirta in la is ku hoga-tusaaleeyo sidii looga faa’iidaysan lahaa fursaddaha ina horyaala.

Shirwaynahan, ayaa diiradda lagu saarayaa qodobbo ay ka mid yihiin wax soo saarka dhanka cuntada ganacsiga iyo caqabadaha ka jira dhanka ganacsiga ee Somaliland.

Wasiirka wasaaradda horumarrinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo guddoomiyey kulan-hawleedka loogu gogol-xaadhayey shirweynaha dhaqaalaha heer-qaran ee xal-u-helida duruufaha dhaqaale ee dalka, ayaa sheegay in xal loogu raadin doono Caqabadaha dhaqaale ee dalkeenu la wadaago caalamka.

Dr Sacad oo ah Guddoomiyaha guddi-hoosaadka dhaqaalaha ee golaha Wasiirada, ayaa sheegay in shirweynaha lagu falanqeyn doono duruufaha dhaqaale ee dalka iyo xalkii lagu furdaamin lahaa.

Kulanka oo Wasiiradaha Qorsheynta, Tamarta, Beeraha, Guddoomiyaha Baanka dhexe, Wasiir-xigeenka Ganacsiga iyo masuuliyiin kale ka soo qeybgaleen, ayaa Wasiirka Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadlay sheegay in shirweynaha ay ka qeybgeli doonaan hay’adaha dawladda, ganacsiga gaarka loo leeyahay, dadweynaha iyo khubarada Jaamacadaha dalka.

Shirweynaha, ayaa ku soo beegmaya xilli dalku waajahayo duruufo dhaqaale ee caalamka ka jira, sida sare u kaca qiimaha maciishada, saamaynta caabuqa Covid-19 iyo isbedelka cimilada, oo keenay abaaro soo noqnoqda iyo cunto-yaraan. Culaysyada kale ee gubashadii Suuqa Waaheen ku yeeshay ganacsigii dalka iyo caqabado kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here