Shirweynaha Wadatashiga Shacabka Dowlad Deegaanka Soomaalida oo Lagu Qabanayo Jigjiga

0
426

Jigjiga (Hargeisa Press) – Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, ayaa shaaciyay in dabayaaqada toddobaadka dambe, magaalada Jigjiga lagu qaban doono shirweynaha wadatashiga shacabka Deegaanka Soomaalida.

Guddiga qaban qaabada shirkan, ayaa sheegay in Sabtida iyo Axada soo socda la qaban doono shirkaas, oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah laguna wado inay ku kulmaan siyaasiyiinta kala afkaarta duwan.

Shirka, ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galaya hoggaanka dhaqanka, iyo shakhsiyaad kala matalaya dhammaan axsaabta siyaasadeed, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Xorriyadda iyo Sinnaanta ee FEP, ayaa ka warramay shirkaasi iyo sida ay u arkaan.

Sheekh Ibraahim, ayaa sheegay in shirkan diyaarintiisa ay qaadatey in muda ah, isagoo sheegay in guddiga qaban qaabinaya ay u soo gudbiyeen ajande la doonayo iney Soomaalida ka wada hadasho.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa carabka ku dhuftay in markii ay dhuuxeen waxa uu ka kooban yahay ajandaha ay ku qanceen, markaa kadibna ay aqbaleen iney ka qeyb galaan shirka dhowaan furmaya.

LEAVE A REPLY