Shirweynaha Jaaliyadda Somaliland Ee Jarmalka oo La Shaaciyay Wakhtiga La Qabanayo

0
470

Muninch (Hargeisa Press)- Waxaa dhawaan dalka Jarmalka ka furmaya shirweynaha afraad ee jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool dalkaasi.

Shirkaasi ayaana lagu dooran doonaa hogaanka cusub ee jaaliyadda Somaliland ee deganka dalka Jarmalka.

Sida ay shaaciyeen xubno ka mida guddiga qaban qaabadda ee shirkaasi oo shir jaraa’id qabtay.

Shirweynahaasi ayaana lagu dooran doonaa guddoomiyaha, guddoomiye ku xigeenka, xoghayaha jaaliyadda iyo xubno kale.

Maadaama oo uu dhamaaday muddo xileedkii hogaankii hore, isla markaana uu jiro khilaaf muddo ka dhex taagnaa hogaanka iyo jaaliyadda.

Sida uu sheegay Afhayeenka jaaliyadda Somaliland ee dalka Jarmalka Maxamuud Deeq Ciise.

Afhayeenku waxa uu intaas raaciyay in shirkaasi uu ka qabsoomi doono magaaladda Byernmunich ee dalka Jarmalka.

Waxaanu ugu baaqay dhamaanba jaaliyadda reer Somaliland ee degan dalka Jarmalka in ay shirkaasi ka soo qayb galaan.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here