Shirkii Wafdigii Golaha Amaanka iyo Madaxda Dowladda Soomaaliya + SAWIRRO

0
936

IMG_8601Muqdisho, (HargeisaPress) — Wafdigii xubnaha joogta ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo maanta booqasho taariikhi ah ku yimid Muqdisho ayaa la kulmay madaxweynaha Somalia, guddoomiyaha baarlamaanka, ra’isul wasaaraha, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, madaxweynaha Galmudug, hoggaamiyaha Jubba iyo marti sharaf kale.

Kulanka oo qaatay saacado ayaa looga hadlay arrimaha amniga, howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, hannaanka dimuqraadiyadda, in dalka la gaarsiiyo hanaanka doorashada sannadka 2016-ka iyo horumarka dowladda gaartay.

Shirka madaxda dalka iyo xubnaha Golaha Ammaanka ayaa markii uu soo idlaaday, ayay xubnuhu kulammo la yeesheen ururrada bulshada rayidka ah, kaasoo looga hadlay arrimaha bani’aadannimo ee dalka ka jira.

Kulammadan kaddib ayaa waxaa saxaafadda la hadlay wakiilka joogta ah ee dalka Britain u qaabilsan Golaha Ammaanka ee QM, Mark Lyall-Grant oo wafdiga hoggaaminayay, isagoo sheegay kulammadii ay madaxda dowladda iyo ururrada bulshada rayidka ah la qaateen ay ahaayeen kuwo la isku af-gartay.

“Waxaan ku faraxsan-nahay inaan helno fursada aan ku nimid Somalia. Booqashadeennu waxay muujinaysaa sida ay beesha caalamka uga go’an tahay inay taageerto Somalia si loo gaaro nabad iyo xasillooni waarta. Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa heshiisyadii siyaasadeed ee dhawaan lagu gaaray Muqdisho, kuwaasoo ku saabsan dhimasha maamul goboleedyo KMG ah oo uu dalku yeesho, sida kii maamulka KMG ah ee Jubba, kan Koonfur-galbeed ee lasoo dhisayo iyo kii ugu dambeeyay ee gobollada dhexe.”

Sidoo kale, danjire Usman Sarki oo ah wakiilka joogta ee Nigeria u qaabilsan Golaha Ammaanka ayaa tilmaamay in booqashadoodu ay tahay mid taariikhi ah, isla markaana ay soo dhaweynayaan horumarka ay sameysay dowladda Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa waxay ka koobnaayeen wakiillada golaha ugu jira dalalka Shiinaha, Faransiiska, Argentina, Australia, Chad, Urdun, Lithuania, Chile, Luxembourg, Nigeria, Koonfurta Kuuriya, Ruushka, Rwanda, Birtain iyo Maraykanka.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY