Shirkii Nabadaynta Beelaha Ee Adhi-Cadeeye Oo La Soo Xidhay

0
622

Adhi-cadeeye (HP): Shirkii nabadaynta beelaha walaaha ah oo muuddo ka socday deegaanka Adhi-Caddeeye ee gobolka Sool ayaa maanta la soo grbagabeeyay.


Shirkaasi oo muddo 4 biloid ku dhaw ka socday deegaanka Adhi-cadeeye ayaa lagu tir-xaan bixinayay colaad dhimasho iyo dhaawac sababtay oo dhexmartay laba beelood.
Iyadoo mudadii shirkaasi navadaybtu uu socday ay goob joog ka ahaayeen wasiirrada warfaafinta iyo arrimaha dibadda ee Somaliland.


Shirkaasi nabadaynta oo maanta la soo xidhay ayaa laga soo saaray go’aamo lagu soo af-jarayo colaad beeleedkaasi.
Waxaana xidhitaanka shirkaasi ee Waxaanay madax dhaqameedka iyo waxgaradka labadda dhinac soo dhawayeen go’aammada lagu gaadhay.


Xidhitaanka shirkaas nabadeed waxaa ka qayb galay wefti ka socday xukuumadda Somaliland, madaxda dhaqanka, Culimada, guddoomiyaha gobolja Sool iyo Guddiga amniga gobolkaaasi.


Weftiga wasiirrada ah ee xukuumadda Somaliland ka socday waxaa hogaaminayay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed.
Kuwaasoo ay ka mid ahaayeen wasiirka ganacsiga, wasiirka biyaha iyo masuuliyiin kale.


Sidoo kale waxaa xidhitaanka shirkaasi ka soo qayb galay madax dhaqameedka ugu magaca weyn gobolka Sool, oo uu ka mid yahay garaad Jaamac garaad Ismaaciil.
Waxa kaloo xidhitaanka shir beeleedkan goob joog ka ahaa maamulka gobolka Sool iyo saraakiisha ciidamadda qaranka ee jiidaha Sool iyo taliska booliska gobolkaasi.


Badhasaabka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo qoraal kooban oo uu arrintaasi kaga hadlayo soo dhigay bartiisa Facrbook, ayaa ku booriyay bulshada gobolkaasi ilaalinta iyo adkaynta nabadgeliyadda.
“Bulshada gobolka, waxaan ku boorinayaa, adkaynta nabadda. Gobolkeenna oo ku suntan halganka, waxaa casrigana idanka rajaynnayaa, kaalintiinana ka qaadataan inuu hormuud u noqdo horumarka iyo ammaanka” ayuu yidhi badhasaabka Sool.

 

Daawo: Hadaladii Laga Jeediyay Xidhitaanka Shirkaasi:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY