Shirkii Beelaha Dir Oo Si Rasmi Ah Uga Furmay Magaalada Addis Ababa Ee Dalka Ethiopia + SAWIRRO

0
1374

Addis Ababa,(HargeisaPress) —Salaadiin, Ugaasyo, Caaqillo, Aqoonyahan, Siyaasiyiin iyo Waxgarad farabadani wuxu bogaadin iyo taageero mug leh u muujinayaa shirweynaha 1aad ee Beelweynta Direed oo Shalay si rasmi ah uga furmay magaalada Addis Abeba ee dalka Ethiopia.

Waa markii ugu horreysay taariikhda inta la ogyahay ee ay beelweynta Dir isugu timaaddo shir ay u dhanyihiin afarta haamood ee beeshu ka kooban tahay (Madaxweyne Dir, Madaluug Dir, Madoobe Dir iyo Mehe Dir) oo kala dega shanta qeybood ee gumeystuhu u qeybiyay degaanka soomaalida.

Dir waa beesha ugu ballaadhan beelaha soomaaliyeed, degaan ahaan iyo tiro ahaanba, oo haddii ay talo iyo aragti ku midoobaan, waxay dan u tahay xasilloonida iyo nabad-ku-wada-noolaanshaha dhammaan beelaha soomaaliyeed.

Hadafka iyo ujeeddada shirku waa midnimo, caddaalad iyo horumar ka dhaqangala dhammaan degallada soomaaliyeed. Beesha Direedna waxay ka noqon doontaa hormuud tusaale u noqda beelaha kale ee soomaaliyeed.

SAWIRRO KA DAAWO HALKAN HOOSE

LEAVE A REPLY