Shirkii Aan Caadiga ahayn ee Xisbiga UCID oo Hargeysa Uga Furmay Garabkii Faysal Iyo Heshiiskii Jamaal ee Xisbigaas oo La laalay

0
799

Hargeysa, (HargeisaPress) —Garabka uu hogaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe , oo saaka shirkii aan caadiga ahayn ee Xisbigaasi uga furmay magaalada Hargeysa.

 

Shirkan oo labada Garab ee isku haya Xisbiga UCID ay maxkamada Sare u go’aamisay inay si wada jir ah u qabsadaan ayaa ka socda Huteel Aadan Iin ee ku yaala Bariga Magaalada Hargeysa.Waxaa fadhiya masuuliyiin ka socda Xisbiga Kulmiye oo lagu Casuumay shirkaasi oo lagu dooranayo musharaxa madaxwayne iyo ku xigeenka uga qaybgalaya doorashada Madaxtooyada ee Soo Socota.

 

Garabkii Taageersanaa Musharax Jamaal Cali Xuseen ayaa shirkaasi ka maqan waxaana wararka aanu ka helayno shirkaasi ay sheegayaan in la laalay heshiiskii Xisbiga UCID la galay Garabka Musharax Jamaal Cali Xuseen.

 

Ergo 261 qof oo ka kala socda Gobolada Jamhuuriyada Somaliland ayaa cod gacan taaga ku laalay heshiiskaasi Jamaal Cali Xuseen la galay Xisbiga UCID.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here