Shirkadda Yahoo oo sheegtay in Dowladi ay ka Xaday Macluumaad Gaadhaya 500 oo Milyan oo Ciwaan

0
886

Shirkada Yahoo ayaa sheegtay in burcada internet-ka ah oo “dawlad taageero ka haysta” ay xadeen macluumaadka 500 milyan oo ciwaan, taas oo u muuqata in ay tahay xatooyadii ugu baaxad waynayd ee la shaaciyo marka laga hadlayo taariikhda xatooyada dhanka internet-ka.

 

Xatooyadaas, Waxaa ka mid ah Macluumaad badan oo shaqsiyaad leeyihiin oo ay ku jiraan magacyo, E-mail-lo iyo waliba “Su’aalaha iyo jawaabaha ay shirkaddu ku xaqiijiyo in qofku uu yahay midkii saxda ahaa ee lahaa email-ka.”

 

Xatooyadaas waxay dhacday Sannadkii 2014-kii Laakiin hadda unbaa la shaaciyay. Waaxda Sir-doonka ee dalka Maraykanka ee FBI ayaa sheegtay in ay baarayso sheegashadaas.

 

Dhanka kale, Yahoo waxay sheegtay in waxyaabaha la xaday aysan ku jirin macluumaadka Kaararka Bangiyada Balse ay ku kooban yihiin ciwaanno E-mail, maalmaha dhalashada, iyo furaha sirta ah ee lagu galo e-mail-lada ama (password).

 

Shirkadu waxay xustay in Macluumaadkaas ay xadeen dad taageero ka haysta dawlad balse ma aysan sheegin dawladda masuulka ka ah arrintaas.

 

Waxaa lagu baaqay in furaha sirta ah la badalo Warka Tilmaamaya in weerar wayn lagu Qaaday Shirkadda wuxuu soo baxay markii Burcad magacooda ku sheegay “Peace” ay u muuqdeen inay isku dayayeen inay macluumaadka 200 milyan oo ruux ah ay iibiyaan.

 

Khamiistii ayay shirkaddu xaqiijisay in xatooyada loogaystay ay ka baaxad wayntahay sidii ay filayeen markii hore. Yahoo macaamiisheeda oo dhan waxay kula talisay in ay badalaan furahooda sirta ah haddii aysan sidaas samaynin wixii ka dambeeyay 2014-kii.

 

10-kii xatooyo ee ugu cuslaa dhacdadan ka hor

MySpace accounts – 359 milyan

LinkedIn accounts – 164 milyan

Adobe accounts – 152 milyan

Badoo accounts – 112 milyan

VK accounts – 93 milyan

Dropbox accounts – 68 milyan

Tumblr accounts – 65 milyan

iMesh accounts – 49 milyan

Fling accounts – 40 milyan

Last.fm accounts – 37 milyan

 

 

XIGASHO: haveibeenpwned.com

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here