Shirkadda Telesom oo Magaca Somaliland Kaga Qayb-gashay Shirka Ganacsiga Afrika

0
1983

Taipei (Hargeisa Press) – Shirkadda isgaadhsiinta ee Telesom, ayaa magaca Somaliland kaga qayb gashay shirka caalamiga ah ee Ganacsiga Afrika (Africa Business Forum – 2022), kaas oo uu sannad walba qaban-qaabiyo dalka Taiwan, gaar ahaan Bureau of Foreign Trade (BOFT), MOEA, TAITRA iyo Africa Taiwan Economic Forum (ATEF).

Shirkan, ayaa waxaa lagaga hadlayay Hayaanka iyo Fursadaha Tiknoolajiyadda iyo Warshadaha (Digital and Industrial Trends and Opportunities).

Shirka, waxaa ka qayb galay waddamo badan oo Afrikan ah sida: Eswatini, Ghana, South Africa, DR Congo, Nigeria, Algeria, Somaliland, Egypt, Tanzania iyo Rwanda.

Dhammaan waddamadaasi, waxay soo bandhigayeen sida ay ugaga faa’iidaysteen tiknoolajiyadda dhinacyada horrumarineed gaar ahaan e-Commerce & Digital Development, Medical Equipment, Security Industry, Manufacturing Sector, Renewable Energy (Solar & Wind), Agriculture & Food Processing.

Ugu dambayntii, Telesom waxay ku soo bandhigtay Shirkaasi horrumarka Tiknoolajiyadda iyo Isgaadhsiinta Somaliland iyo geeddi socodka Faca 5aad ama 5G ee Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here