Shirkadda SOMSITE Oo Qiime-Dhimis Ballaadhan Ku Soo Bandhigtay Carwada Ganacsiga Somaliland

0
1516

Hargeysa, (HargeisaPress) –Shirkadda Nashqadaynta iyo samaynta Website-yada ee SOMSITE oo ka mid ah shirkadaha ka qaybgalaya Carwada 8aad ee ganacsiga Somaliland ee ka socota Huteelka Guuleed ee magaalada Hargeysa, ayaa halkaasi ku soo bandhigay Adeegyo kala duwan.

SOMSITE Designs oo carwada kaga qaybgalaya adeegyada nashqadaynta ee kala duwan, samaynta Website-yada iyo adeegyo kale oo la xidhiidha Tiknoolojiga casriga ah ayaa muddada carwadu socoto fidisay qiimo-dhimis ballaadhan.

SOMSITE munaasibadda carwada awgeed waxay kuu samysay qiimo dhimis dhan 50% oo aad ku heli karto website qurux badan. SOMSITE waxay la socodsiinaysaaa macaameeshiida in qiima dhimistu ku eegtahay maalmaha ay carwadu socoto.”

Shirkadda SOMSITE oo mid ah shirkadaha ugu horreeya ee ka shaqeeya adeegyada Tiknoolojiyadda Somaliland, iyada oo ay muddooyinkii ugu dambeeyayna fulisay qandaraasyo Website-yo loogu samaynayo qaar ka mid ah shirkadaha waaweyn ee ganacsiga dalka, warbaahinta, hay’adaha dawliga, kuwa maxalliga ah iyo kuwa kale ee caalamiga ah intaba.

LEAVE A REPLY