Shirkadda Shirre Company Oo Si Rasmi ah Looga Furay Magaalada Hargeysa Xalay + SAWIRRO

0
1251

xadhig-jaridHargeysa,(HargeisaPress) — Waxaa xalay si rasmi ah looga fulay magaalada Hargeysa shirkadda Cusub ee Shire Company oo ah Shirkadda kooban Kaalin Shidaal casri ah iyo Supermarket ku qalabaysan qalabkii ugu dambeeyey ee dunida casriga ah laga shaqeeyo super-market-yadda.

Xafladan furitaanka oo ka dhacay xarunta Guud ee shirkadda Shirre oo ku taala xaafada Shacabka agaarka Xaruntii Hore ee UNICEF agteeda ee degmada Ibraahim Kood-buur waxaa ka soo qayb-galay Wasiiro Ku-xigeenka Ganacsiga iyo Maal-gashiga, Wasiir Ku-xigeenka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda,  Agaasimaha Guud ee Telefishanka Qaranka, Gudoomiyaha Jaamacadda Hargeys, xildhibaano, ganacsato iyo dad kale oo acyaan magaalada ka mid ah.

Xarunta Ganacsiga Shirre Company waxaa si wadda jir ah u maal-galiyey Mulkiilaha Shirkadda Xasan Aadan Shire iyo Shirkada Hass-petroleum. Xarunta Ganacsiga ee Shire Company waxaa si rasmi ah xadhiga uga jaray Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga Somaliland Mudda Bashiir Cabdi Xariir.

Mulkiilaha Shirkadda Mud. Xasan Aadan Shire
Mulkiilaha Shirkadda Mud. Xasan Aadan Shire

Wasiir Ku-xigeenka ganacsiga oo hadal kooban ka jeediyey xafladda furitaanka shirkadda cusub ee shire Company waxaa tilmaamay doorka wasaaradda ganacsigu ku leedahay ganacsiga dalka ku soo kordhaya waxaanu yidhi, “Wasaarad ahaan waanu dhiirigalinaynaa ganacsiga madaxa-banaan,  qorshaha wasaaraduna waa inuu horumariyo  ganacsiga  iyo maalgashiga ay samaynayaan muwaadiniinta reer Somailand.  Labadan shirkadood ee Shire   iyo Hass-Petroleum kaalinta iyo super market-yadda  casriga ah ee ay magaladda Hargeysa  ka hirgeliyeen  waanu soo dhawaynaynaa wasaarad ahaan ayuu yidhi Wasiir xigeenka wasaarada ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir oo ka hadlayay furitaanka kaalinta iyo subermaarkidka cusub ee casriga ah.”

shirecompany8

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadk Baddaha Muddane Cabdikarim Axmed Mooge ayaa isna dhiiri-galin u muujiyey mulkiilaha da’ada yar ee furtay xarunta ganacsiga cusub ee Shire Company waxaanu wasiir ku-xigeenku yidhi, “Waan soo dhawaynaynaa fikrada cusub ee uu keenay ninkan dhalinyaradda ah ee Maxamed Xasan  Shire (Mulkiilaha xarunta ganacsiga) waxaanan  leeyahay waa in dhalinyaradu dalkooda u fikiraan oo shaqooyinka noocan oo kale ah ka abuurtaan,  si tahriibku inooga yaraado.”

Mulkiilaha Shirkadda Cusub ee Shirre Maxamed Xasan Aadan (Shirre) oo ugu dambayntii ka hadlay munaasibadda xadhiga laga jaraayey Shirkadiisa ayaa yidhi, “Kaalintan  iyo super market-kani   cusub ee Shirre company   iyo  Hass-Petroleum ayaa iska kaashaday oo wado sameeyay,  u jeedada ugu wayna ee aanu fikradan u keenay waa in dadkeena la tuso in uu wali dalkeenu  dihiin yahay oo qofkii fikrad keenaaba  uu helayo cid maalgelisa. Waxaan u mahadnaqayaa dhamaan madaxda kala duwan iyo marti sharafta ka soo qaybgashay.”

Shirkaddan Cusub ee Shirre Company iyo Hass-Petroleum waa xarun ganacsi oo laga helaayo adeegyada tukaamaysi alaabooyinkii ugu dambeeyey, Kaalin Shiidaal, Qalablka dayactirka Gaadiidka iyo Qaybta Baabuurta lagu maydho.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY