Shirkadda Oomaar Company Oo Deeq Gaadhsiisay Cisbitaalka Wayn Ee Magaalada Hargaysa.

0
935

Hargeysa,(HargeisaPress) -Shirkada Oomaar Internatoinal Company oo kamid ah shirkadaha wadaniga ee Somaliland ayaa deeq gaadhsiisay cisbitaalka guud ee magaalada hargaysa gaar ahaan qaybta hooyada iyo dhalaanka.

Deeqdan agabka caafimaad ee shirkada oomaar gaadhsiisay Dhakhtarka wayne ee hargaysa qaybtiisa hooyada iyo Dhalaanka ayaa ahayd 100kortoon oo xafaayadaha caruurta ah kuwaasi oo ay shirkadu ugu qayb qaadayso dadaalka loogu jiro kor Uqaadista nadaafada si looga hortaga caabuqa sida xawliga ufaafaya Ee Coronavirus iyadoo agabka caruurtana ay baahin wayn uqabeen caruurta yar yare e ku jira qaybta hooyada iyo Dhalaanka ee cisbitaalka Hargaysa.

Ugu horayna Waxaana Munaasibadan Mukhtaar Saleebaan oo faah faahin ka bixiyay deeqdan Shirkada Oomaar soo Gaadhsiisay dhakhtarka way nee hargaysa qaybtiisa hooyada Iyo dhalaanka oo ahayd 100kortoon oo xafaayadood kana kooban 8000kun oo xabo.

Dhanka kale waxaa isna ka hadlay deeqdan shirkada oomaar soo gaadhsiiisay dhakhtarka wayn ee magaalada hargaysa Dr Mohamed Faarah oo katirsan maamulka cisbitaalka Hargaysa kaasi oo shirkada oomaar uga mahad celiyay deeqdan ay soo gaadhsiisay oo uu sheegay in baahi wayn loo qabay.

LEAVE A REPLY