Shirkadda Google oo ogaatay ‘in si aan kala sooc lahayn sanado badan loo weerarayay iPhone’

0
692
Weerrarka ayaa waxa uu saameeyay dhammaan noocyada iPhone ilaa laga soo gaaro midkii ugu dambeeyay, kooxda shirkadda Google ayaa sidaasi sheegtay

Cilmi-baarayaasha dhinaca ammaanka ee shirkadda Google ayaa waxa ay heleen caddeyn ah in ugu yaraan laba sanadood uu socday “dedaal joogta ah” oo lagu jabsanayay mobile-lada iPhone-nnada.

Weerrarka ayaa la sheegay in loo adeegsaday website-yo kuwaas oo walxo ku abuuraya gudaha mobile-lada si ay ula degaan xogta taleefannada, sawirrada iyo xog kalaba.

Falanqeynta Google ayaa waxa ay tilmaamaysaa in website-yadaasi la sheegay ay todobaadkiiba booqdeen kumannaan jeer.

Shirkadda Apple ayaa BBC-da u sheegtay inay doonayn inay arrintaasi ka hadasho.

Habka weerrarka loo adeegsaday ayaa waxaa si faahfaahsan wax uga qoray Ian Beer, oo ah khabiir u dhashay waddanka Britain oo ku xeel dheer ammaanka internetka, kaas oo ka tirsan mashruuca Project Zero ee ay shirkadda Google u xilsaartay in lagu ogaado meelaha ay ka jiraan dayacaadda amni.

“Ma jirin cid si gaar ah loo bartilmaameedsaday,” ayuu qoray Mr Beer.

“Markii aad booqato bartaasi wax lagu jabsado ayey u suuragalaysay bartaasi inay weerrarto taleefankaaga, haddii ay ku guulaystaanna walxo ayey ku abuurayaan si ay dhaqdhaqaaqaaga ula socdaan.”

Mr Beer iyo kooxdiisa ayaa sheegay inay ogaadeen in kooxaha weerrarka soo qaaday ay isticmaalayeen 12 ciladood oo kala duwan oo dhinaca ammaanka ah si ay aaladaha gudaha ugu galaan. Waxaanay u badnaayeen walxo ku jira barnaamijka Safari ee ah kan internetka laga galo ee shirkadda Apple.

‘Dedaal joogta ah’

Markii ay kooxahaasi dhexgalaan mobile-kaaga iPhone-ka ayaa waxaa u suuragalaysa inay galaangal u yeeshaan xog badan oo ay ka mid tahay taleefannada kuu xaraysan, sawirrada iyo xogta goobaha aad tagtay. Xogtaas ayey muddo 60 ilbiriqsi ah waxa ay ku shubayaan goob kale, Mr Beer ayaa yiri.

Walaxdaas lagu dhex abuuray mobile-ka ayaa waxa ay suuragalinaysaa inay xog kale ka hesho barnaamijyada kale ee uu qofku isticmaalo sida Instagram, WhatsApp iyo Telegram. Liiska tusaalaha ah ee Mr Beer ayaa waxaa ku jira waxyaabaha ay Google soo saarto sida Gmail iyo Hangouts oo ah barnaamijka dadku ay muuqaal ahaanta ugu sheekaystaan ee shirkaddaas.

Dadka weerrarka soo qaaday ayaa waxaa u suuragashay inay galaangal u yeeshaan “ku dhawaad dhammaan noocyada iOS 10 ilaa kan ugu dambeeyay ee iOS 12”, Mr Beer ayaa intaasi ku daray.

“Taasi waxa ay muujisay in kooxdu ay dedaal joogta ah u gashay sidii ay ku jabsan lahaayeen macaamiisha iPhones ee bulshooyinka qaar ugu yaraan laba sanadood.”

Presentational grey line

Wax difaac ah ma haysataa?

Shirkadda Apple ayaa waxa ay bishii Febraayo soo saartay barnaamij ay wax uga qabanayso ciladda.

Haddii aad isticmaashid iPhone, waa inaad xaqiijisaa in mobile-kaagu uu ku shaqeynayo nooca ugu dambeeyay ee iOS, si aad u xaqiijisid in ammaankaagu uu sugan yahay.

Si aad arrintaas u sameysid waxaad tagtaa Settings kaddibna ku dhufo General. Halkaas ayaad ka helaysaa ‘Software Update’ kaas oo ah iOS 12.4.1.

Haddii aanad isticmaalayn iOS 12.4.1 waxaad fursad u helaysaa inaad mobile-kaaga cusboonaysiisid.

Xalka Apple

Shirkadda Google ayaa 1 Febraayo ee sanadkan waxa ay shirkadda Apple ku wargelisay dayacaadda haysata. Lix maalmood gudahood ayaa waxaa lagu sii daayay barnaamij lagu xirayo dayacaaddaas.

Dadka isticmaala iPhone ayey tahay inay cusboonaysiiyaan mobile-kooda oo ay ku shubaan barnaamijkii ugu dambeeyay si ay ammaankooda u sugaan.

Falanqeynta Mr Beer ayaanan lagu qiyaasin cidda ay suuragalka tahay inay weerrarkan ka dambaysay iyo weliba qaabka qalabkan qaaliga ah uu suuqa madow ugu jirayba. Barnaamijkan loo yaqaan weerrarada “zero day” ayaa waxaa lagu iibin karaa dhowr milyan oo doolar ilaa marka dambe laga ogaado oo laga xalliyo.

BBC

LEAVE A REPLY