Shirkadda Dahabshiil oo baaq-nabadeed ka soo saartay dagaalka Qorilugud iyo Buuhoodle

0
1896

Hargeysa (Hargeisa Press)- Shirkadda Dahabshiil Group, ayaa waxaa ay baaq nabadeed ka soo saartay dagaalka culus ee ka socda deegaanada Qorilugud iyo Buuhoodle.

Bayaan ay soo saartay Shirkadda Dahabshiil, ayaa waxaa ay labada dhinac ee ku dagaalamaya deegaanadaas ay ugu baaqday inay si degdeg ah u joojiyaan dagaalka iyo xabadda.

Shirkadda, ayaa waxaa ay ugu baaqday masuuliyiinta xukuumadda Somaliland, ganacsatada, odayaasha dhaqanka iyo culimaa udiinka inay door weyn ka qaataan daminta dagaalka iyo sidii nabad waarta loogu soo dabaali lahaa.

Hoos ka akhriso bayaanka

“Shirkadda Dahabshiil waxay ugu baaqaysaa labada dhinac ee walaalaha ah ee is dhalay, xidid iyo xigaal ah, isla markaasna ku nool goobo aan kala fogayn (Buuhoodle iyo Qoru-lugud iwm) in ay xabadda iyo Dagaalka joojiyaan labada dhinac-ba si degdeg ah.

Xabad wiil iyo gabadhi toona kuma dhashaan ee way ku dhintaan.

Dhammaan qof walba oo xil haya dhammaan cidii masuuliyad haysa oo ay  ku jiraan kuwa xilka dhaqan, Ganacsatada iyo culumo, waxaannu si xushmad iyo damqasho leh uga codsanaynaa in laga shaqeeyo nabadda oo ay doorkooda qaataan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here