SHIRKADAHA ISGAADHSIINTA & HOOYADA SUUQA FADHIDA MID WALBA CASHUUR AYAA KU WAAJIBTAY..

0
940

SHIRKADAHA ISGAADHSIINTA & HOOYADA SUUQA FADHIDA MID WALBA CASHUUR AYAA KU WAAJIBTAY…..!
——————————————————————
Hooyada suuqa fadhida cashuuri kuma baaqato, waana cashuur biyaha dhabta ah ee dawladu ku xisaabtanto. Shirkadaha Isgaadhsiintu waa suuq dihin oo dhaqaale badan ku fadhiya, mudadaa ay Somaliland jirtay lagama qaadin cashuurtii ku waajibtay ee qaranku xaqa ugu lahaa. Sidaas darteed waa’ayo cida diidan in cashuurta laga qaado? Maxaa loo siyaasadaynayaa hadii Wasaarada isgaadhsiinta iyo technologyada tidhi waxaanu soo wadnaa qalabkii lagu ogaan lahaa xadiga cashuurta sanadkii laga rabo Shirkadaha Isgaadhsiinta ee ku cayilay hantida umada ee aanay waxba kusoo celin bulshada.

Xukuumadahii iskaga danbeeyay talada dalka umay suurtagalin inay keenaan qalabka lagu ogaado dakhliga dhabta ee ah ee Shirkadaha Isgaadhsiintu sanadkii soo gala. Nasiib wanaag Xukuumada Madaxweyne Biixi, Wasiirkeeda isgaadhsiinta iyo technologyda Dr-Abdiweli Soufi wuxuu ku guulaystay inuu keeno qalab casriya oo u saamaxaya inay si fudud ula socdaan dakhliga Shirkadaha Isgaadhsiinta si cashuurtii ku waajibtay looga qaado. Runtii talaabadan oo ah mid xaga horumarka loo qaaday, waayo cashuurta shirkadaha waa wayn laga qaado dalka ayay dhistaa.

Ma jirto sabab dood loo galiyo ama looga dagaalamo in lala xisaabtamo Shirkadaha Shilis ee shilingkii umada gacanta ku haya. Hooyada suuqa fadhida iyo shirkadaha isgaadhsiintu mid walba cashuurtu way ku waajibtay. Bixinta cashuurtu waxay ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan dhismaha dawladnimada iyo jiritaanka qaranimada. Horumar dal ma sameeyo ilaa iyo dadkiisu noqdaan cashuur bixiye u hogaansan nidaamka dakhli ururinta qaranka.

Sidaas darteed, waa nasiib daro in Axsaabta Mucaaridka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood majaro habaabiyaan ujeedada qalabka ay keentay Wasaarada isgaadhsiinta iyo technologyda Somaliland. Cid la dhagaysanayaa ma jirto awoodaana wasaaradu malaha waayo xogtaba shirkadaha ayaa siinaya wasaarada, Kaliya qalabkaasi waa mid saamaxaya in la ogaado xadiga cashuurta ee ku waajibtay. Cida diidan in cashuur laga qaado suuqa isgaadhsiinta ee waliba sida indho la,aanta ah uga hadlay iyagoon xogba hayn ee war mooga ah waxaan leeyahay qaranimada dhawra oo waxa aad mucaaridayso iyo waxa kale hakuu kala soocnaadaan.

Wabilaahi tawfiiq

W/Q: Mohamed Gacayte
Gacayte09@gmail.com
Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY