Shirkada Sompower oo Noqotay Dilaa Qarsoon oo Uu Qayb Ka Yahay Wasiirka Tamarta Somaliland

0
3302

Hargeisa (Hargeisa Press)- Tan markii ay qaar ka mid ah shirkadaha bixiya adeega korontada Caasimada Hargeysa ay ku midoobeen Shirkada la yidhaa SOMPOWER, waxa isa soo taraya tayo xumo maamul, tamar la,aan awoodeed iyo tacadi baahsan oo shirkadan ku hayso Shirkadahii diiday in la midoobaan sida Telesom Electric, National Electric iyo Gaafane Electric.

Shirkadan SOMPOWER ayaa la doonayay in kooto loogu xidho Laydhka caasimada Hargeysa.

Falaka ay Shirkada Sompower kula kacayso shirkadaha dhigeeda ah ayaa ah kuwo si joogto ah u dhaca iyada oo dawladuna ay mar kasta dhinaca saarto shirkada Sompower isla markaana iska indha tirta cabashada laga qabo shirkadaasi iyada oo hadyo jeerna loo sii daayo shaqaalaheeda laga soo dacwoodo ee la xidho.

Todobaadkan gudihii ayay ahayd markii ay Shirkada Korontada Sompower weerar ku qaaday, goob ay shirkada korontada ee TEC Xadhkaheeda Korontada marinayeen Gudaha caasimada Hargeysa.

Wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland oo hore u ahaa gudoomiyaha boodhka shirkada Sompower ayaa ka mid ah shakhsiyaadka gacansaarka weyn siinaya dulmiga ay wado shirkadaasi, halka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi aanu wali fulin balan uu ku qaaday in suuqa korontadu xor ahaanayo isla markaana laga dareemayo inuu u janjeedho dhinaca shirkada Sompower.

Shirkada Sompower oo dano badan laga lahaa ayaa markii ay suuqa soo gashay waxtar ay bulshada u kusoo kordhiso iskadaayoo khasaaraheedii ayaa laga bixi la,ayahay iyadoo noqotay dilaa qarsoon oo sababtay dhismashada dad badan oo qaarkood ka mid yihiin shaqaalihii u shaqaynayay iyo qaar shacabka ka mid ah.

Xadhkaha qaada dabka oo ah kuwa aan wadan nidaamkii safety-ga ee loogu talo galay oo hadii shoodh qabsado sababi kara dhimasho dagdag ah oo qofka uu qabsado iyo ka is yidhaa u gurmo uu galaafto sidii ka dhacday Hargeysa oo laba qof ku dhinteen, kii uu qabsaday iyo kii u gurmadayba.

Khasaare dhimasho waxa u danbeeyay labada qof ee dabka Sompower ku dilay Hargeysa xili uu roob wayni ka da,ayay caasimada. Mana ah markii 1aad ee dad ku dhintaan laydhka shirkada Sompower oo ah dilaa qarsoon.

Biraha loo isticmaashay Shirkada Sompower fidinta laydhka ayaan iska xejin Karin dabaylaha roobka ama duqad ku dhacda sida hadii gaadhi jiidho, awal Sagbad ama Shub ayaa laga dhigi jiray lkn sompower Birro dhaadheer ayay taageen oo lagu xidhay dab High Power Voltage ah oo hadii birtaas dhacdo 100m2 uu dabkaas galaafan karo nolosha wixii usoo dhowaada dad, xayawaan iyo xoolaba.

Inta Xadhkaha laydhka qaadaa ay marayaan dusha sare ee Birta loo taagayo ayaa khasaaraha ka imanayaa wuxuu noqonayaa joogto, badbaadaduna waxay ku iman kartaa oo kaliya in xadhkaha dhulka hoos tiisa la mariyo, Taasna Sompower kama muuqato ee kaliya waxay ku mashquulsan tahay in Laydhka Kooto loogu xidho iyagoo waliba dariiq qaldan maraya oo qardajeexa oo kolba Wasiirka Tamarta dabada galinya.

Waxaani Dastuurka Somaliland sheegayaa in Ganacsigu xor yahay oo lagu tartamayo.

Sidaas darteed khasaaraha ay shirkadan sababtay waa fashilkii iyo ceebtoodii oo dibada usoo baxday, malaha dab joogto ah oo sida loo joogo ayuu iska tagayaa oo uu mudo maqnaanayaa, malaha shaqaale u jajaban oo markiiba aad heli karto taasna waxa sabab u ah daryeel la,aanta iyo duruufta ku gadaaman shaqaalaha laydhka xidha oon helin haba yaraatee daryeel wanaagsan.

Bulshadu waxay iswaydiinaysaa halka ay ku danbaysay buunbuunintii lagu baahiyay baraha bulshada ee ay lahaayeen hadii la midoobo waxad helaysaan wax aad ku diirsataan, adeegii wanaagsanaa ee ay ku faanaysay shirkadu ayaa u muuqda durba gudhay.

Waxa muuqata in tayada laydhku ka wanaaganaa intii aanay ku midoobin ee shirkad walba gaarkeeda bulshada ugu adeegi jirtay.

Shirkada Sompower ayaa noqotay shirkad ay bulshadu ku hungoobeen, waana KIISH loo samaystay in lagu boobo jeebka shacabka Caasimada Hargeysa, Kootada ay doonayaan ee ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen ayaa ah sidii ay shacabka u xaalufin lahaayeen.

Shacabka magaalada Hargeysa ayaa si weyn uga foojigan mashruucaa la fool eryayo oo noloshooda khatarta ku ah.

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY