Dahabshiil Group oo Laba Ambulance iyo Agab kale Ku Wareejisay Wasaarada Caafimaadka Somaliland + SAWIRRO

0
1255

Hargeisa (Hargeisa Press) —Shirkadda Dahabshiil Group ayaa wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland ku wareejisay laba gaadhi oo Ambalaas ah iyo agab caafimaad oo ay shirkaddu ku bixisay lacag dhan $174000(Boqol iyo afar iyo todobaatan kun oo dollar).

Qalabka caafimaad ee shirkadda Dahabshiil Group wareejisay ayaa ka kooban laba gaadhi oo Ambalaas ah iyo todoba mashiin oo ah kuwo Ogsajiinta.

Wasaaradda caafimaadka ayaa labada ambalaas u qorshaysay magaalooyinka Boorama iyo Laascaanood.

Deeqdan caafimaad ee Dahabshiil wareejisay ayaa ah wajiga labaad ee qalab caafimaad oo shirkaddu kaga qayb qaadanaysay la tacaalida cudurka Dunida ku faafay ee COVID 19 waxaanay bishii June wareejisay gaadhi Ambalaas ah oo Burco ka hawlgalay, mashiin lagu baadho caabuqa COVID 19 iyo laba mashiin oo kuwo ogsajiinta dhaliya degdegna qofka naqaska uga saara ah kuwaas oo ay ku baxday lacag dhan laba boqol oo kun oo dollar ($200000).

Mudane Fu’aad Axmed Nuux madaxa hawgalinta shirkadda Dahabshiil ayaa sheegay in ay Dahabshiil ahaan farxad u tahay wareejinta qalabka wajiga labaad kaalinta shirkaddu ka qaadatay gurmadka COVID 19 oo shirkaddu kaga qayb qaadatay lacag dhan $800,000.

“Waxaanu wareejinayna wajiga labaad ee qalabka oo ka kooban sagaal shay oo isugu jira laba gaadhi oo ambalaas ah oo noocoodu yahay 2020 TOYOTA Hard Top iyo 7 mashiin oo Ogsajiinta dhaliya kuwaas oo shan xabbo yihiin kuwa waaweyn, hal xabbadna tahay kuwa dhexe midna yahay kuwa yaryar.

Qalabkan waxaanu ugu talo galnay in wax lagaga qabto caqabadaha uu keenay COVID 19. Sida oo kale waxay shirkadda Dahabshiil wax ku darsataa jaamacadaha gobollada Somaliland iyo dhulka Soomaalidu degto oo dhan oo aanu ku darsano ama ugu deeqno wixii kolba baahidoodu tahay, waxaanan filaya in ay sii socoto maaddaama qiyamka shirkaddu yahay in ummadda Soomaaliyeed wixii ay ka faa’iido wax ku celiso,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Fu’aad oo intaasi raaciyay in shirkaddu qalabka caafimaad ee ay ballanqaaday intii u dambeysay wareejin doonto bisha soo socota.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mudane Mahdi Cismaan Buuri ayaa kala wareegay shirkadda Dahabshiil qalabka waxaanu si weyn ugu mahadceliyay Dahabshiil Group.

“Waxaa rayntayn iyo qadarin weyn noo ah in aanu Dahabshiil kala wareegno laba ambalaas iyo todoba mashiin oo kuwa ogsajiinta ah. Waxaanu ugu talo galay Boorama iyo Laascaanood oo baahiyo badani ka jiraan dhulkooduna balaadhan yahay. Waxay wax ka tari doonaan si shacabka dhulkaas loogu gaadho oo caafimaad tayo leh loo gaadhsiiyo,” ayuu yidhi Mudane Mahdi.

Wasiir ku xigeenka caafimaadka ayaa Dahabshiil ku ammaanay taakulaynta taariikhiga ah ee ay bulshada Soomaalida la soo barbar taagnayd “Waxaanu uga mahadcelinaysa sida aanu isku dareenka u nahay iyo sida ay Dahabshiil uga naxayaan shacabkooda, maaha uun maanta oo kaliya_maanta waxaynu leenahay Gawaadhi iyo isgaadhsiin waxa jirtay mar aanay intaasiba jirin oo Dahabshiil jalka la daba taagna shacabka Soomaalida gaar ahaan Somaliland, waxaan xasuusta mar kolka lacagta Dahabshiil lagu soo diro dadka foomiyaha looga yeedhi jiray ama qofka miyi ama Hawd jooga inta qof lacagta loogu dhiibo loo gayn jiray way adkayd beriga oo jalka ayay Dahabshiil la daba taagnayd dadkii qaxay ducadiina waa taa halkaas maanta ay joogto ku soo gaadhay,” ayuu yidhi wasiir ku xigeenka caafimaadka Somaliland.

LEAVE A REPLY