Shirka Qurba-joogta Soomaaliyeed oo ka furmay Isanbul iyo Hormuud Telecom oo maal-galisay + SAWIRRO

0
848

ISTANBUL,(HargeisaPress) —Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa maanta ka furmay shirka Qurba-joogta Soomaaliyeed oo soconaya muddo Afar cisho ah.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed Khadar oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka Qurba-joogta Soomaaliyeed oo ka furmay Isanbul

ayaa sheegay in ay aad muhiim u tahay in qurba joogtu ay Laba jibbaaraan dowrka ay ku leeyihiin dib-u-dhiska Dalka, ganacsiga iyo horumarinta degaanka.

Kulankan oo ay maal gelisay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud  ayaa waxaa ka qeyb gelaya mawaaddiniin Soomaaliyeed oo ka kala yimid daafacaha caalamka, waxaana la filayaa in laga soo saaro natiijo iyo talooyin kaabaya horumarinta mustaqbalka ummaadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Qurba-Joogta Soomaaliyeed Marwo Jawaahir Daahir ayaa uga mahad celisay Shirkadda Hormuud Telecom & Salaam Soomaali Bank sdia ay isugu xilqaameen taaba gelinta Shirweynaha, waxayna sidoo kale sheegtay in ay horumar la taaban karo ka abuureen Somalia.

Guddoomiyaha Hey’adda Hormuud Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan oo ka mid ah wafdiga Shirkada Hormuud & Salaam Bank ayaa ka war bixiyey wax qabadka hey’adda Hormuud Foundation, waxa uuna sheegay in dad gaaraya ilaa 5 Malyan oo qof oo Soomaali ah ay siyaabo kala duwan uga faa’idaysteen adeegyada shirkadda. Tusaale ahaan malaayin qof ayaa ka faa’idaysta adeegga EVC Plus si bilaash ah (Lacag la’aan), boqolaal kunna waxay ka faa’idaystaan taakulaynta Isbitaallada Danta Guud, Jaamacadaha, Iskuullada iyo goobaha adeegga bulshada ee shirkadda Hormuud Telecom ay caawiso.

Bangiga Salaam ayaa sidoo kale wuxuu kaalin weyn ka ciyaaray horumarka hannaanka Maaliyadda ee waafaqsan shuruucda Bangiyada, dhismaha nidaamka maaliyadda ee Soomaaliya, dib u dhiska dalka sida unkidda xaafadda cusub ee Daarusalaam iyo laamiga Daarusaaalam oo 7KM ah, maal gelinta Ganacsiga oo gaarayso boqolaal malyan oo lagu maalgaliyay Shirkado iyo ganacsato soomaaliyeed, Shaqo Abuurka & soo celinta Xisaabaadka maaliyadeed ee waafaqsan hannaanka Bangiyada.

Shirkadda Hormuud ayaa kaalin lixaad leh ka qaadatay Horumarka dhaqaalaha dalka iyo Shaqo abuurka, ayadoo abuurtay in ka badan 30 kun oo shaqo, waxey sidoo kale gacan ka geysatay horumarinta Technology-yadda & Dhiirri gelinta Waxbarashada.

Shirkan ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalaya siyaasiyiin Soomaaliyeed oo caan ah oo isaga kala yimid dalka dibaddiisa iyo gudihiisa waxaana ka mid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo mas’uuliyiin kale.

HargeisaPress News Desk – ISTANBUL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here