Shirka Heer Qaran Ee Dardar-gelinta Gurmadka Deg-degga Ah Ee Covid-19 oo Hargeysa Ka Furmay

0
1550

Hargeysa (Hargeisa Press) – Waxaa maanta magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ka qabsoomay Shirka Heer Qaran ee Dardar-gelinta Gurmadka Degdegga ah ee xanuunka Covid-19.

Shirkan, ayaa waxaa shir-guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi.

Shirkan oo ka dhacay xafiiska Wasiirka, ayaa waxaa ka soo qayb galay Badiba Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

Waxaana shirkan lagaga wadahadlay qodobadan:-

  1. Dardar-galinta hawlgalka gurmadka degdegga ee heer qaran.

2. Dib-u-eegista heerka xanuunku marayo wadanka gudihiisa iyo wadammada jaarka, iyada oo la dardar galiyay go’aanno lagaga hortagaya faafiska xanuunka.

3. U diyaar galawga tallaalkii Koroona-fayras oo qayb cusub iman doonto dhawaan. Qaybtan cusub waxa ay ka koobantahay 30,000 oo tallaal, waxaana la isla qaatay in la dardar galiyo qorshaynta iyo hawgalinta olole tallaal oo ka qabsooma wadanka.

4. Dhaygasiga warbixinta hawlgalka kooxaha gurmadka degdegga ee ka hawlgala xadadka dhulka iyo hawada. Iyadoo la go’aamiyey in kor-loo sii qaado tababarka kooxahaasi.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa mudooyinkii u dambaysay ku hawlanayd sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyada Caafimaadka dalka, Sidoo kalena looga gaashaaman lahaa xanuunka dunida kusii Faafaya ee Covid-19.

LEAVE A REPLY