Shir Xaasaasiya oo Hada Muqdisho Uga Socda Madaxweynayaashii Hore Soomaaliya, Xisbiyada Mucaaradka iyo Siyaasiyiin

0
667

Muqdisho (Hargeisa Press)- Magaalada Muqdisho waxaa hada ku shirsan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Xassan Sheekh Maxamuud, xubno ka tirsan xisbiyada mucaaradka iyo siyaasiyiin, kuwaas oo ka wada hadlaya dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee siyaasadeed iyo xannibaada dowladda ee Kismaayo.

Kulanka oo ah mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa intiisa badan lagu waramayaa in looga wada hadlayo dhacdadii  Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee lagu xanibay diyaarad u qaadi laheyd Sheekh Shariif magaalada Kismaayo.

Sidoo kale wararka ayaa intaa ku daraya in kulanka lagaga hadlayo arrimo la xidhiidha xaalada dalka uu marayo, waxaana muuqata in tallaabadii saaka lagu xanibay diyaaraddii Sheekh Shariif abuurtay xiisad siyaasadeed oo cusub.

Marka laga soo tago kulanka dhinacyada mucaaradka dowladda laftirkeeda ayaa wada dadaal arintan la doonayo in la qaboojiyo, iyadoo Wasiirka Amniga Soomaaliya uu gurigiisa ugu tagay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed waxaana warar hoose sheegayaan Shariif Sheekh Axmed uu dalbaday in dowladdu raaali-galin ka bixiso tallaabadii ay uga joojisay in uu u dhoofo magaalada Kismaayo.

Wixii warar ah ee soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa…

 

Hargeisa Press.com/Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here