Shir looga hadlayo Dhibaatooyinka Guurka khasabka ah oo London ka Furmay

0
1157

British-Prime-Minister-David-CameronLONDON — In ka badan 700 million oo dumar ah ayaa la guursaday iyaga oo aan gaadhin da’dii saxda ahayd sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha caruurta ee UNICEF.

Waxaa shir looga hadlayo arintan soo qaban-qaabiyay UN-ka,kaasi oo maanta ka furmi doona magaalada London ee dalka Ingiriiska, iyadoo ay soo xaadiri doonaan madax ka socota wadamo kala duwan oo adduunka ah.

Dalka India oo kaalinta sedexaad kaga jira meelaha uu guurka khasabka ahi ka jiro ayaa la sheegay in gabdhaha taajiriinta ah lagu guursado da’da 20-ka sano, halka kuwa ka so jeeda qoysaska faqriga ahna lagu guursado da’da 15k-sano marka ay gaaraan.

“Gabdhaha lagu guursado da’da ka hooseysa 18-kasano ,ma dhamaystaan waxbarashada ,waxaana ay wajahaan tacddiyo halis ah,“ ayaa lagu yiri warbixintan oo siyaabo kala duwan uga hadashay arintan.

“Dumarka yar-yar waxa ay ianta badan ku geeriyoodaan bilaha hore ee uurkooda ama xilliga dhalmada ka horeysa “ayaa mar kale lagu xusa, waxaan shirkan lagu qabanayo London lagu wadaa in ay so xaadiraan madaxda ugu soo saraysa dowladda Ingiriiska oo u ku jiro Cameroon.

UNICEF ayaa ku baaqday in muhiimad gaar ah la siiyo sidii looga hortagi lahaa guurka gabdhaha aan qaan-gaarka ahayn, iyadoo Africa iyo Asia lagu sheegay meelaha ugu badan ee halistani ay ka jirto.

Ugu danbayntii wadamada kala Ciraaq, Liberia, Nigeria, Masar, Sudan, Mali iyo waliba Soomaaliya ayaa si gaar ah loogu xusay warbixintan, waxaana lagu wada in natiijooyin wax ku ool ah laga soo saaro shirka maanta.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here