Shir Lagu Gorfeynaayey Qorshe Siyaasaddeed Loo Samaynaayo Wershadaha oo Maanta Ka Qabsoomay Xarunta Wasaaradda Wershadaha Somaliland + SAWIRRO

0
935

Hargeysa, (HargeisaPress) — Shir wada-tashi ah oo saaka xarunta wasaaradda Wershadaha ku dhex-maray mas’uuliyiinta wasaaraddaasi, ganacsatada kala duwan ee Wershadleyda Somaliland iyo madaxda ururada Wershadleyda, ayaa diiradda lagu saaray dejinta ama habeynta iyo weliba sida oo kale diyaarinta qorshe siyaasaddeed oo lagu haggo Wershadleyda dalka jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waxaana kulankan ka soo qeyb-galay wasiirka wasaaraddaasi Md.Shuceyb Maxamed Muuse, agaasimaha guud ee Wershadaha Md.Farxaan Aadan Haybe, ganacsatada kala duwan ee Wershadaha Dur-DurNimeral Water, BerbaraTenary, Hargeisa Company, Mina Meneral Water, SBI, HargeisaTyries Factory, GolisMenaral Water, Zam-Zam Mineral Water, Ilo-Tango facory, Al-Khayrat Foam Factory, Zam-Zam Food Industry, Zam-Zam Food Industry, AADCO, Maadxa, Raho Foam Facotory, ShaamFacory, madax  ka socotay ururada Wershadlayda, shaqaalaha wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale.

f880f18a-c884-4d14-8042-785dfd39d8c6

 

Shirkan wada-tashiga ah oo socday muddo hal maalin ah, ayaa ay ka qeyb-galeyaashu ka markhaati kaceen baahida loo qabbo in la helo siyaasad ama shuruuc hagta Wershadaha Somaliland, waxaana ay isla gorfeeyeen qaabka ugu habboon ee loo xakamayn karo, loona kala xadayn karo suuqa ganacsi ee Wershadleyda Somaliland.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Wershadaha Somaliland Md.Farxaan Aadan Haybe oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa faah faahin ka bixiyey u jeedka kulankan, isaga oo carabka ku dhuftay in ay muhiim tahay in dhammaanba Wershadlayda Somaliland ay helaan adeegyada aas aasiga ah ee u baahan yihiin oo ay ugu horeyso ayaa uu yidhi samaynta siyaasad cad oo hagta Wershadaha dalka jamhuuriyadda Somaliland, waxa kale oo uu tilmaamay in ay ka wasaarad ahaan ay diyaar u yihiin siddii ay dhankooda Wershadleyda Somaliland ay uga caawin lahaayeen wixii karaankooda ah ee ay ku dhiiri-gelinayaan horumarkooda iyo sii jiritaankoodaba.

ff14cb03-59db-4fb6-9bfa-ab36f27bdbda

“Kulankan waxa aynu u qabanay oo aynu iskugu nimi, waa siddii aynu u dardar-gelin lahayn hawlaha warshadaha oo dhammaanteenba inna wada khuseeya, waa muhiim in  warshadleydu ay  helaan dhamaan adeegyada aas aasiga ah  ee eey u baahan yihiin oo ay ugu horayso , samaynta siyaasadda warshadaynta dalka, kala xadaynta waxyaabaha la soo dajiyo iyo baahiyaha dhicana suuqa ee Wershadaha. Waxa kale oo aan iidiin sheegayaa in ururka Wershadahu uu yahay habka isku xidha Wasaaaradda Wershadaha iyo Warshadleyda dalka , sidaa darted wixii khilaaf ah ee dhexyaala waa in ay dhamaystaan, warshadaha aan ku jirina ku soo biiraan, wasaaradduna waxa ay ku leedahay tallo soo jeedin laakin khasab kuma laha. Waxa kale oo iyaduna innoo muhiim ah in Wershadaha loo sameeyo sumada haamaha ama calaamadaha wax-soo-saarka, si loo ilaaliyo in aanay isugu ee kaan waxyaabaha la soo saarayo(Trade Mark for production), waana innagu waajib dhammaanteen in aynu illaalino wixii shuruuc ah, sida oo kalena ururka Wershad layda laga caawiyo dejinta shuruucda ururka Wershadleyda isla markaana wax laga bedalo shuruucda ururka wershadleyda, iyada oo ay jiraan duruufo badan oo ku xeeran ururka Wershadleyda oo ay ka mid yihiin, Tamaryaraan, Shaqaalaha xirfadda leh oo ku yar /ama kharash badani kaga baxo siday u heli lahaayeen shaqaale khubaro ah iyo qodobo kale oo badan, wasaaraddu waxay diyaar u tahay in ay kala hawlgasho xalinta dhamaan duruufaha intii karaankeeda ah, wasaraadu waxay hada wadaa qorshe ay ku doonayso in ay ku biirto mashruuca SDF (Somaliland Development Fund), Sidoo kale waxay wasaaraddu ka hawlgalaysaa sidii ay warshadleydu u heli lahayd dhul u qorshaysan Warshadaha (Industrail Zones )”.Ayuu yidhi Md.Farxaan Aadan Haybe.

799cba99-cf1e-499f-a1c1-8d5f35bbb152

Mas’uuliyiinta Wershadleyda iyo sida oo kale madaxda ururada Wershadleyda Somaliland, oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantoodba soo dhaweeyey qorshe siyaasaddeedkan cusub ee ay wasaaraddu ku hawlan tahay siddii siyaasad cad oo hagta Wershadaha looggu samayn lahaa, waxaana ay si aada uga mahad-celiyeen qaabka tolmoon ee ay wasaaradda Wershadahu uga soo qeyb-galisay, tallo-na uga soo siisay siddii ay uga soo tallo bixin lahaayeen, waxna ugu soo darsan lahaayeen shuruucda lagu maamuli doonno ka Wershadlay ahaan, iyaga oo dhammaantoodba carabka ku dhuftay in ay diyaar u yihiin hir-gelinta qorshe siyaasaddeedkan, sida oo kalena ay balan-qaadeen in ay u hoggaansami doonaan marka la soo qabyo-tiro qorshe siyaasaddeedkan, waxa kale oo ay mas’uuliyiinta Wershadleydu ay halkaas ku soo bandhigeen caqabadaha ka Wershadlay ahaan illaa hadda hortaagan, una baahan siddii wax loogga wada-qaban lahaa qaran ahaan.

 

Ugu dambeyntiina, wasiirka wasaaradda Wershaha Somaliland Md.Shuceyb Maxamed Muuse oo isna halkaas ka hadlay,  ayaa sheegay in ay muhiimad ballaadhan ugu fadhido in Wershadleyda dalku ka soo tallo bixiyaan qorshe siyaasaddeedka lagu haggi doonno Wershadleyda Somaliland.

 

“Waxa muhiim ah in ay Wershadlayda dalku ka soo tallo bixiyaan dejinta siyaasadda warshadaynta dalka, waxaana ay waraasaddu dhiiri-gelinaysaa sidii ay warshadaha dalku u heli lahaayeen tamar ku filnaata, taas oo markii aan tagay dalka Yurub kala soo hadlay rugta ganacsiga Sweden iyo dawladda Netherland , in ay Wershadlayada Somaliland ay ka caawiyaan sidii ay u heli lahayd tamar ku filnaata. Waxa kale oo aan u soo jeedinayaa Warshadaha dalka in ay iyaguna ku dedaalaan siddii ay u soo samayn lahaayeen qalab lagu baadho tayada waxa ay soo saarayaan.”.Ayuu yidhi Shuceyb Maxamed Muuse.

 

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here