Shir Gudoonka Golaha Wakiillada JSL Oo Warbixin Siiyey Xildhibaannada Golahaas.

0
489
Golaha Wakiilada Somaliland PHOTO FILE

Hargeysa (HargeisaPress)-Mudanayaasha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shir gudoonka golahaas ka dhageysatay warbixin ku saabsan ee kalfadhigoodii hore ee 42-aad.

Waxana mudanayaasha warbixintaas ka horjeediyey xoghayaha guud ee golahaasi Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, oo sharxay hawlihii kalfadhigoodaas 42-aad u qabsoomay golaha wakiillada xeerarkii iyo masuuliyiintii kala duwaneyd ee uu golahaasi ansixiyey.

Waxa kale, oo uu xoghayuhu mudanayaasha uga warbixiyey kulannadii kala duwanaa ee ay guddi hoosaayada golahaasi la yeesheen masuuliyiinta kala duwan ee qaranka, isaga oo sheegay in ay qabteen hawlo muhiim ah intii uu furnaa kala fadhigaas 42-aad ee golahaasi.

LEAVE A REPLY