Shil Baabuur oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo Ka Dhacay Gabiley

0
1293

Gabiley (Hargeisa Press) – Alle ha u naxariistee hal qof ayaa ku dhintay, mid kalena waxa ka soo gaadhay dhaawac shil baabuur oo maanta ka dhacay duleedka degaanka Xuunshalay, oo ka tiran gobolka Gabiley.

Sida uu xaqiijiyay taliyaha ciidanka Nabgalyada Wadooyinka ee gobolka Gabiley Cabdirashiid Cumar Gadhle, taliyuhu waxa kale oo uu sheegay in shilkaas ay ku dhaawacantahay Khadra Maxamed Axmed, taas oo dhaawaceeda lagu dawaynaayo cisbilaala magaalada Gabiley.

Taliyiyuhu wuxuu sheegay in gaadhigaasi ka tagay magaalada Hargeysa, una socday magaalada Boorama, iyadoo shilkaasina ka dhacay duleedka degaanka Xuunshaley oo hoos timaada degmada Kala-baydh.

Ugu damayn taliyaha ciidanka nabadgeya wadooyinka ee gobolka Gabiley Cabdirashiid Gadhle wuxuu xusay inay socoto baadhitaan ku saabsan dhilkaas.

 

Hargeisa Press Desk/Gabiley Office.

LEAVE A REPLY