Burco, (HargeisaPress) —War goordhawayd naga soo gaadhaya magaalada burco ee xarunta gobolka togdheer ayaa sheegaya in shil baabuur uu ka dhacay tuulada huddisa ee gobolka saaxil.
Waxaana gaadhiga shilkaasi uu ahaa sida naloo shegay gawaadhiga loo yaqaano Tukhaanka ama Taxi,waxaanuu siday dhalinayro dalxiisayaal ah oo u socday magaalada berbera isla markaana doonayay inay kusoo dabaashaan xeebta batalaale ee magaalada berbera.
Waxaana shilkan ka dhashay khasaare dhaawac oo ah 5 qof oo 3 kamida naloo sheegay in xaaladooda caafimaad aad u liidato,mana jiro wax dhimasho ah.
Dhaawaca dhalinyaradan ayaa losoo qaaday cusbitaalka guud ee magaalada burco.
Wariye Sakariye Cabdiraxmaan Ibraahin
Hargeisa Press
Burco Office