Shil Baabuur Oo Goor Dhawayd Ka Dhacay Duleedka Magaalada Berbera Iyo Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawacba Leh Oo Ka Dashay

0
1971

Berbera,(HargeisaPress) —Wararka naga soo gaadhaya magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa sheegaya in shil baabuur oo khasaare sababay uu goor dhawayd ka dhacay jidka wayn ee isku xidhan magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa.

Waxaana gaadhigan shilka galay uu ahaa gawaadhida loo yaqaano SURF,taas oo sida naloo sheegay wadahii uu gaadhigu kala baxday wadada.

Shilkan baabuur ayaa waxa uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh,waxaana shilkan ku dhintay Caaqil Cabdi Xaaji DIiriye Gaadaale halka ay laba qof oo kale oo la socday gaadhigana uu dhaawac soo gaadhay.

Maydka marxuunkan iyo dhaawaca labadan qof ee kale ayaa waxa naloo sheegay in loo qaaday cusbitaalka magaalada Berbera,halkaas oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo dadkan dhaawacu soo gaadhay.

Gabagabadiina mudooyinkii u danbeeyey waxa isa soo tarayay shilalka baabuur kuwaas oo sababa khasaare naf iyo maalba leh.

HargeisaPress News Desk — Berbera

info@hargeisapress.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here