Shiinaha Oo Soomaaliya Soo Gaadhsiiyay Daawooyinka Covid19

0
878

Muqdisho (HP): Dawladda Shiinaha ayaa dawladda federaalka ee Soomaaliya ku caawisay daawooyin iyo qalab kala duwan oo ah kuwa lagaga gaashaanto xauunka aduunka dhibaatadda u haya ee Corona Virus.

Wasaaradda caafimaadka ee dawladda federaalka Soomaaliya ayaana agabkaasi xalay kala wareegtay safiirka dawladda China u fadhiya caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho Ambassador Qin Jian.

Agabkaasi ayaa isugu jira qalabka lagu baadho xanuunka Covid19 iyo Dharka ay xidhaan dhakhaatriirta ka hawl-galla bukaanadda xanuunkaasi asiibo.

Qalabkani ayaa qayb ka ah daawadda Covid 19 iyo qalab kale oo uu dalalka Afrika oo ay Soomaaliya-na ku jirto ku caawiyay Mr. Jack ma, oo ah aasaasaha shirkadda Ali baba ee dalka Shiinaha laga leeyahay.

Mr. Jack ma, ayaa sidoo kale ah ninka ugu taajirsan dalka Shiinaha, kaasoo 54 wadan ee ay qaaradda Afrika ka kooban tahay ku caawiyay daawadda lagula tacaalo Covid19 iyo qalabka ay dhakhaatiirtu isticmaalaan.

Diyaaradii siday daawooyinkaasi iyo qalabka caafimaad ayaa xalay ka soo degtay garoonka diyaaradaha magaaladda Muqdisho, taasoo ka soo kicitintay dalka Itoobiya.

Waxaana qalabkaadiyaaradaasi kala wareegay safiirka China u jooga Soomaaliya Qin Jian, oo diyaaradda  ku sugayay garoonka Aden Cabdulle ee magaaladda Muqdisho masuuliyiin ka tirsan dawladda federaalka.

Kuwaasoo ay ka mid ahaayeen wasiirka duulista iyo gaadiidka cirka Maxamed Cabdulaahi Salaad, wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimadka Maxamed Siciid C/laahi, iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya C/xakiin C/laahi Camey.

Kuwaasoo danjiraha China u fadhiya Soomaaliya kala wareegay daawooyinkaasi iyo qalabka caafimaad.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY