Shiinaha oo Lagu Arkay Xanuun Mar Dunida Ku Dilay Dad Gaadhaya 50 Milyan

0
1243

Begin (Hargeisa Press) – Maamulka Shiinaha waxay xoojiyeen feejignaanta ka dib markii magaalo ku taalla Mongolia laga soo sheegay hal kiis oo ah cudur kale oo ah caabuq halis ah.

Sida laga soo xigtay maamulka gobolkaas, Bukaanka Bayannur waxaa la geliyay karantiil, waxaana la sheegayaa in xaaladdiisa ay fiican tahay.

Saraakiisha maamulka waxay sheegayaan in ay baadhitaan ku sameynayaan kiis kale oo laga shakisan yahay, sida lagu daabacay wargeyska Shiinaha ee Global Times.

Cudurkan loo garanayo ‘bubonic plague’ wuxuu mar ahaan jiray xanuun ay dadka caalamka aad uga baqaan, balse hadda si fudud ayaa loo daweyn karaa.

Kiiskii ugu horreeyay waxaa Sabtidii laga soo weriyay Cisbitaalka Urad Middle Banner, ee ku yaalla magaalada Bayannur. Weli ma cadda sida iyo sababta uu bukaankaas ku qaaday cudurka.

Qofka labaad ee laga shakisan yahay waa 15 sano jir, kaas oo la sheegay inuu xidhiidh la sameeyay xayawaan lagu magacaabo marmot oo uu ku ugaadhsaday Ey, sidaas waxaa lagu qoray farriin Twitter oo ka timid Global Times.

Digniin heerkeedu sarreeyo oo mamnuuceysa ugaadhsiga iyo cunista duurjoogta sii faafin kara daacuunkan ayaa la soo saaray, waxaana dadka lagu wargeliyay in ay soo sheegaan qofkii ay uga shakiyaan cudurka. Digniintaas ayaa sii jireysa illaa dhammaadka sannadkan.

Muxuu yahay bubonic plague?

Bubonic plague, waxaa sababa bakteeriya caabuq ah, waana mid ka mid ah xanuunadii dhimashada ugu badnaa sababay taariikhda aadanaha, Waxaa loo garanayay ‘Dhimashada Madow’ – Cudurkaas ayaa ku dhowaad 50 milyan oo qof ku dilay daafaha caalamka qarnigii 14-aad.

Tan iyo markaas, wuxuu dunida ku soo rogaal celiyay dhowr goor. Sidoo kale wuxuu dilay shan-meelood meel ka mid ah bulshadii London, sannadkii 1665; xilligaas waxaa loo bixiyay ‘the Great Plague’. Sidoo kale 12 milyan oo qof ayuu ku dilay Shiinaha iyo Hindiya, qarniii 19-aad.

Balse, dhowaanahan waxaa lagu daweynayay Antibiotics. Cudurkan oo asalkiisa Xayawaanaadka ka yimid oo ay faafiso noolaha Boodada loo garanayo, waa mid aad loogu dhinto, waxaana uu dilay 30-60% boqolkiiba dadkii uu ku dhacay.

Astaamaha lagu garto waxaa ka mid ah qandho daran, lalabo, tabar-dari iyo finan waa wayn oo ka soo baxa qoorta, kilkilaha, iyo jidhka hoose.

Ma billaaban karaa xanuun kale oo faafa?

Kiisaska cudurka waa kuwo dhif ah, balse mararka qaar ayaa la arkaa dad yar oo qaada xanuunka.

Sannadkii 2017-kii, kiisas laga helay dalka Madagascar ayaa gaadhay 300. Sidoo kale hay’adda caafimaadka baadha ee Lancet ayaa ogaatay in illaa 30 qof ay u dhinteen.

Bishii May ee sannadkii la soo dhaafay, laba qof ayaa cudurkan ugu dhinatay Mongolia, waxayna ka qaadeen cunista hilib qaydhiin oo ahaa noolaha Marmot.

Si kastaba, waxay u badan tahay in kiisaskan ayna sababi karin xanuun sii faafa.

“Si ka duwan xaaladdii qarngii 14-aad, waxaan ognahay sida cudurka la isugu gudbiyo,” ayuu yidhi Dr Shanti Kappagoda, oo ah dhakhtar ku takhasusan caabuqyada faafa, wuxuuna ka tirsan yahay xarunta Stanford Health Care, kaas oo la hadlay barta wararka ee Heathline.

“Waan garaneynaa sida looga hortago. Waxaan sidoo kale awood u leenahay daweynta bukaannada uu ku dhaco cudurka oo antibiotics la siinayo.”

LEAVE A REPLY