Shiinaha oo Dhoollatus Milateri Ka Billaabay Hawada iyo Badda Taiwan

0
656

Taipei (Hargeisa Press) – Ciidamada milateriga Shiinaha, ayaa bilaabay dhoolatus milateri oo ay ku jiraan rasaas toos ah oo ay ku ridayaan biyaha iyo hawada ku hareereysan jasiiradda Taiwan, sida uu sheegay Telefishinka dowladda Shiinaha Khamiista maanta ah, isaga oo intaas ku daray in dhoollatusakan uu dhammaan doono 12:00 duhurnimo maalinta Axadda ah.

Dhoollatuskan, ayaa imanaya maalin kadib booqasho ay afhayeenka Aqalka Wakiilada Maraykanka Nancy Pelosi ku tagtay jasiiradda iskeed u maamusha ee Taiwan oo ay Beijing u aragto dhul Shiinaha ka tirsan.

Saraakiisha Taiwan, ayaa sheegay in dhoolatuskan uu yahay mid xadgudub ku ah shuruucda Qaramada Midoobay, isla markaana ay Shiinuhu duulaanka ay ku qaadeen hawada sare ee Taiwan, ayna caqabad toos ah ku yihiin hawada iyo baddeeda.

Xisbiga talada haya ee Taiwan Democratic Progressive Party, ayaa sheegay in Shiinuhu uu wado dhoolatus uu ku sameynayo marin biyoodyada ugu mashquulka badan caalamka iyo dariiqyada duulimaadyada, taasi oo ah “dhaqan aan mas’uul ahayn oo sharci darro ah.”

Isagoo si kulul u cambaareeyay dhoolatuskaasi, ayaa Afhayeenka Golaha Wasiirada Taiwan wuxuu sheegay in website-yada Wasaaradaha Difaaca, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Madaxtooyada ay soo weerareen kooxo jabsaday.

Pelosi, oo ah qofkii ugu heerka sarreeyay ee Mareykanka ee booqda Taiwan muddo 25 sano ah, ayaa ammaantay dimuquraadiyaddeeda, waxayna ballan-qaadday taageerada Mareykanka, iyada oo intaa ku dartay in carada Shiinuhu ayna ka joojin karin hoggaamiyeyaasha adduunka inay u safraan Taiwan.

Shiinaha, ayaa u yeedhay safiirka Mareykanka ee Beijing si ay uga mudaharaadaan booqashadeeda.

Reuters

LEAVE A REPLY