Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo Go’aano Xasaasi Ah Kaga Dhawaaqay Muqdisho

0
1191

Muqdisho (Hargeisa Press)- Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta Shir jraa’id oo wada jir ah ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo shirka ka furmay Muqdisho.

Ugu horreyn Sheekh Shariif oo hadalka qaatay ayaa ka hadlay dhibaatadii laga soo maray dhisitaanka Dowladda Soomaaliya iyo ficilada ay hadda wado Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa aan dalka u rooneyn sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu sheegay Sheekh Shariif in aanay aheyn mid wanaagsan in Shir u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo ay ka maqan yihiin Maamul Goboleedyada la qabto, wuxuuna sheegay in marnaba ayna ka hadheyn ka hadalka waxyaabaha ay ku qaldan tahay Dowladda Federaalka.

“Marnaba dalkan dhibaatada ka jirta ka hadaliiisa ugama hadhi doono Wiilal yar yar oo masaakiina oo qurbaha jooga ama lamarin habaabiyey ee caaytamaya, waana wadeynaa waxa aan xaqa u leeyahay”.. ayuu yidhi Sheekh Shariif.

Wuxuu sheegay inaanay aqbali doonin in Soomaaliya ay gacanta ku hayaan shakhsiyaad gaar ah, dowladnimada ay tahay mid ah in la is gaadhsiiyo oo aan la isku koobin.

Wuxuu tilmaamay in Golaha Wasiirada ayna ka hadli karin xaqa iyo waxa ka dhacaya Soomaaliya, isagoo hadalka sii wado ayuu tilmaamay inay Soomaaliya ka jiraan laba Cadow oo kala ah Dowladda iyo Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Wuxuu sheegay in mar kasta sababta loo caayo ay tahay inay iyaga ka hadlaan qaladaadka ay sameeneyso Dowladda.

Dhanka kale, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay arrimaha Kismaayo waxana uu xusay in Shariif Sheekh Axmed uu safarkiisii Kismaayo ahaa mid lagu doonayay in lagu dhagaysto tabashada Jubbaland iyo shacabkeeda.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey inay isku koobtay siyaasadda Dalka.

“Haddii dowlad goboleed xil ka banaanaado waxa ay u dirtaa wasiir taageersan xilalka kalena waxa ay u dirtaa dowladu shaqaalaha xafiisyadooda.”ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada Madaxweyne ayaa hadalkan sheegay kadib markii uu soo dhamaaday kulan maalintii Labaad Muqdisho uga socday madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya oo Maanta lagaga hadlayey Shirka Caalamiga ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo Maanta la soo gabagabeeyey.

Tan iyo markii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed laga celiyay in uu u duulo Magalada Kismaayo, waxaa uu kulamo siyaasadeed ka waday Magaalada muqdisho, isaga oo dhaliil badan u jeedinayay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Hargeisa Press Desk/Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here