“Sheekh Aadan Siiro oo weli ka hadlaya maayarka Hargaysa miyaad maqasheen? qabiil baa lagu difaacayaa”… Guddoomiyaha UCID

0
879

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa dhaliilay sharcinimadda ay ku fadhiyaan golaha Guurtidda Somaliland in iyagoon sharciba ku joogin ay hadana golaha Wakiiladda iyo hay’addo kale muddo kordhin u sameeyaan.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe,  ayaa sheegay in haddii aan sharciga la tixgelinin ay been noqonayso jiritaanka iyo dawladnimadda ay Somaliland sheeganayso, isla markaana loo baahan yahay in xaqiiqada loo yimaado.

Eng. Faysal, oo hadal ka jeedinayay munaasibad lagu qabtay Hargaysa, ayaa  ku eedeeyay maayarka caasimadda Hargaysa in uu ku fashilmay shaqadda, isla markaana haddii wax laga sheego qabiilnimo lagu difaacayo.

Halkan ka Daawo Hadalka Faysal:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY