Sheekh Aadan Siiro oo Eedaymo Culus U Jeediyay Madaxweyne Biixi

0
2804

Hargeisa (Hargeisa Press)- Sheekh Aadan Maxamuud Xiir (Sheekh Aadan Siiro) oo ka mid ah Culimada waa weyne ee Somaliland ayaa waxaa uu eedaymo culus u jeediyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Sheekh Aadan Siiro oo maanta salaadii Ciida kadib Warbaahinta la hadley ayaa sheegay in tan iyo markii uu madaxweyne Muuse Biixi xilka qabtay ay bulshadu kala fogaatay islamarkaana uu hoos u dhacay dhaqaalihii dalku.

Sidoo kalena ay xaalad nololeed oo adagi ay soo food saaratay bulshada Somaliland.

Sheekh Aadan Siiro ayaa sidoo kale talooyin u soo jeediyay Madaxweyne Biixi.

LEAVE A REPLY