Sheekh Aadan-Siiro Oo Dhaliilo Culus U Jeediyey Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaddiisa

0
711
Sheekh Aadan-Siiro

“Madaxweynaha Waxaanu Leenahay Xukuumaddii Kaa Horraysey 3 Meelood Bay Dhaqaalaha U Qaybin Jirtay, 2 Meelood Ummadda Ayay Ku Soo Celin Jirtay, Meelna Iyagaa Farsamaysan Jiray, Madaxweyne Waxa La Leeyahay Saddexdiiba Adiga Ayay Kugu Arooreen”…

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro) oo ka mid ah Culimada Somaliland ayaa Madaxweyne Biixi iyo Qoyskiisa ku eedeeyay inay wadaan dhul boob iyagoo adeegsanaya Awoodda Dawladda.

Sheekh Aadan-Siiro oo maanta khudbad u jeediyey Dadweyne Salaaddii Ciidda ku tukaday Garoonka Kubadda Cagta ee Xaafadda Xawaadle ee Magaalada Hargeysa.

Isagoo arrimahaa iyo arrimo kale ka hadlaya wuxuu yidhi “Waddanka waxa ka dhacay Dhul boob ay Xukuumaddu kow ka tahay, Maanta Buurta Kala-jeexan, 3 boqol oo Caa’iladood oo kii ku dhashay 30 jir yahay, 40 jir yahay, ayaa loo soo xukumay Madaxweynaha iyo Qoyskiisa oo la leeyahay halla dumiyo, wax la aqbali karayo maaha, war Dulmiga diida Maalinba Qof bay qabsanaysaaye.”

Sheekha wuxuu farriin u diray Madaxweynaha Somaliland “Madaxweynaha waxaanu leenahay in Walaalkaa loo soo xukumo 300 Guri oo dhisan oo Dad ehelkaaga ahi ku nool yihiin, caqli iyo Sharci ahaanba wax la aqbali karayo maaha..” ayuu yidhi.

Waxaanu intaa ku daray, oo uu yidhi “Waxaanu leenahay, Madaxweyne haddaanad ka Raalli ahayn jooji.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu Allaah ka cabsi ugu baaqay Bahda Garsoorka “Kuwa Maxkamadaha fadhiya waxaanu leenahay Waar Ilaahay ka yaaba oo Dadka u caddaalad fala..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Madaxda Dalku ay dhaqaalaha Waddanka isku koobeen “Sidaad ogtihiin Ummaddii way soo oodatay, Meheradahii oo dhan baa kacay, Dadkii dhibaato badan oo dhaqaale ayaa haysa.

Xukuumadda Talada haysaa waxay keentay in dhaqaalihii xidhmo isla-markaana Dadku ay soo wada ootaan, markaa waxaanu leenahay Waar dhaqaalaha hala furfuro. Madaxweynaha waxaanu leenahay Xukuumaddii kaa horraysey saddex meelood bay dhaqaalaha u qaybin jirtay, laba meelood Ummadda ayay ku soo celin jirtay oo Wareeggeedu wuu badnaa.

Meel-na iyagaa farsamaysan jiray, Madaxweyne waxa la leeyahay Saddexdiiba Adiga ayay kugu arooreen, wax la aqbali karayo maaha in Dadkuna soo ootaan.”

Sheekh Aadan-Siiro oo hadalkiisa sii wataa wuxuu sheegay oo kale “Miisaaniyaddu waa & 370 Million (Miisaaniyad-sanadeedka Somaliland), Askarigii 80 Dollar ayuu qaadanayaa, Mashaariic ma hayno, Dadkiina way soo wada ooteen, markaa waxaanu leenahay Waar Xukuumaddu Dhaqaalaha ha furfurto.”ayuu yidhi.

Waxaanu intaa sii raaciyey oo uu farriin u diray Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi “Madaxweynaha Maanta jooga ee Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu leenahay waar Talada qaybi, waar wixii tuhun keenaya ka fagoow.

Waxaanu leenahay Dadka hala mideeyo, Madaxweynaha Dalka Hoggaaminaya waxaan leeyahay wax badan baad u soo joogtay, wax badan baad ogayd wixii dalkan ka dhacay, waad ogtahay waxay wax ku hagaagayaan, Saddex shay baa lagaa doonayaa, inaad Talada qaadato, inaad dadka la tashato, inaad Talo keento.

Laakiin,  inaad tidhaahdo Talo keeni maayo, inaad tidhaahdo Dadka la tashan maayo  oo aad Dadka talo waydiin waydo, waa waxyaabaha Rag badan oo hore oo dunida soo hoggaamiyey ay ku jabeen, markaa waar Dadkaaga wanaagsan la tasho, Dadka dalkan u soo halgamay la tasho.”

Geesta kale sheekhu waxa kale oo uu sheegay “Waxa la leeyahay Madaxweynuhu isagaa wax walba isku koobay, dhaqaalihii isagaa isku koobay, Taladii isagaa isku koobay, Nin yidhi wax walba Anigaa garanaya waa Nin Orgi rartay ayay Odayaashii hore yidhaahdeen..” ayuu yidhi.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Weli may dhicin in Dadku kala shakiyaan , 1991-kii ayaynu dib ugu noqonay qoqobka Maanta jira, Cid Xukuumadda u wehelisaana ma jirto, nabadi jiri mayso haddaan Dalkan Taladiisa iyo Hantidiisa la wada yeelan.”

Sheekh Aadan-Siiro

Ugu dambayn, Sheekhu wuxuu baaq nabadeed u diray Beelaha Walaalaha ah ee Ceel Af-weyn “Reer Ceel Af-weyn waxaan leeyahay waar Ilaahay ka yaaba, Waar Dilka Qofka Muslimka ah Rasuulku (CSW) wuu ka digay.

Waa Dad Walaalo ah ee waxaanu leenahay Waar heshiiya oo Shareecada u soo noqdo, Waar Ninkii dila Nin iyadoon Reer hebel laga dhigayn, iyadoon Aano laga dhigayn si Dilku inooga joogsado shareecada halla fuliyo oo ha loo dilo..”

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY