Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Xuseen Ismaaciil (Shoombe) iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, ayaa dhagax-dhigay dhisme cusub oo noqon doona shaybaad) lagu baadho biyaha lagu cabbo caasimadda.
Dhismahan oo laga bineeyey xarunta Wakaaladda Biyaha Hargeysa shalay, kaas oo la dhigayo shaybaadh lagu eego nadaafadda iyo tayada biyaha la cabbo oo ay tahay markii ugu horreeyey ee noociisa la keeno dalka, waxana xaflad loo sameeyey dhagax-dhiggiisa waxa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Guddoomiyaha Guddiga Biyaha ee Wakaaladda marwo Edna Aadan Ismaaciil, madax ka socota Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) iyo qaar ka tirsan masuuliyiin ka tirsan Wakaaladda Biyaha.
Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mr. Ibraahim Siyaad Yoonis oo halkaas ka hadlay, ayaa ka warramay muhiimadda shaybaadhkani u leeyahay caafimaadka iyo tayada biyaha, “Biyaha Hargeysa yimaad iyo kuwa faraha badan ee iman doona tayadoodu waa mid aad u fiican, waxa haddana darruuri ah, maadaama biyuhu yihiin noloshii waa in la hubiyo halka ay ka soo baxayaan iyo halka ay ku soo dhacayaan ilaa qasabadda guriga ee uu qofku ka cabbayo,” ayuu yidhi Siyaad.
“Waxa qorshahayagu ahaa annaga oo la kaashanayna Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliiland inay Hargeysa yeelato shaybaadh casri ah, markaa maanta (shalay) ayaannu dhagax-dhigaynaa shabyaadh casri ah oo loo samaynayo Wakaaladda Biyaha Hargeysa, waxaannu ka koobnaan doonaa dhisme iyo qalabkiisii oo ay naga maalgeliyey Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF). Mashruucan faa’iidadiisu waa muhiim, maadaama ay biyuhu yihiin nolosha, kaas (shaybaadhka) oo aannu in badan qorshiisa ku jirnay Ilaahay baa nagu guuleeyey.”
Guddoomiyaha Guddiga Sare (BOD) ee maamula biyaha caasimadda Hargeysa marwo Edna Aadan Ismaaciil, ayaa iyaduna sheegtay inay biyuhu yihiin nolosha, balse ay xambaarsan yihiin waxyaabo badan oo waxyeello u geysta caafimaadka qofka, iyada oo arrintaas ka hadlaysana waxay tidhi; “Sharaf weyn bay ii tahay inaan maanta (shalay) goob-joog ahaa dhagax-dhigga laabka loo dhisayo Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo aan ku tilmaami karo inay tahay horumar uu dalku gaadhay, mar haddiiba laab (shaybaadh) noocan oo kale ah la samaynayo oo ay ku ammaanan yihiin maamulka Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo qaranka oo dhan.”
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Md. Cali Xuseen Ismaaciil (Shoome), ayaa ka warramay ahmiyadda uu shaybaadkan u leeyahay qaranka iyo guud ahaan shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa.
“Waxaynu dhagax dhigaynaa laabkii ilaalinta tayada biyaha Hargeysa oo markii ugu horreysay taariikhda Soomaalida laga hadlo tayada biyaha maaha Somaliland, balse dawladihii hore ayaanay jirin walaa tii Ingiriiska ayaanay jirin. Shaybaadhkani waxa uu ka mid yahay guulaha waaweyn ee qarankeennu gaadhay, iskamayse iman ee dad baa ka soo shaqeeyey maalinba dhagax baa meel la dhigayey xukuumaddan waxay ku suntan tahay tii horumarka,” ayuu yidhi Shoombe.
Waxa kale oo wasiirku xusay in aannu shaybaadhkani ku koobnayn Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo keliya ee iyagana lagu baadhayo shirkadaha biyaha soo saara, “Shaybaadhkani Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo kaliya kuma eka, laakiin waxaan u sheegayaa qolooyinka biyaha soo saara ee shirkadaha in lagu baadhi doono laabkan. Marka dhismihiisu dhammaado ayaa loo isticmaalayaa la socoshada tayada biyaha si loo hubiyo badbaadada biyaha Hargeysa iyada oo la baadhayo in biyaha aanay la socon khashinnada, bakteeriyada, miridhka biraha iyo maadooyinka kimikada ah; sidaasna lagu hubin doono in dadka gaadhaya hal milyan ee deggan magaalada Hargeysa iyo dadweynaha kale ee Somaliland ay helaan biyo nadiif ah,” ayuu yidhi Wasiirka Qorshaynta.
Geesta kale, Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen dhankooda ku faahfaahiyey dhagax-dhigga shaybaadhka ay maalgelinayaan, kaasoo u dhignaa sidan;
“Qaybaha kale ee mashaariicda laga maalgeliyay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee ay fulinayso Wakaaladda Biyaha Hargeysa waxa ka mid ah:
- Dhismaha nidaamka biyo qaybinta xaafadaha Ayax 1 iyo 2 ee magaalada Hargeysa
- Qodidda 3 ceel-biyood oo ku yaal deegaanka Hora-gaadley iyo dhigidda beebab masaafo dhan 6km oo ceelasha ku xidhaya Geed-deeble
- Beebab cusub oo la soo iibiyey oo la dhigayo masaafo dhan 23km oo isku xidhaya Geed-deeble illaa Berkadda Kaydka Biyaha ee Hargeysa
- Qorshaha biyo-qaybinta xaafadaha magaalada Hargeysa
- Dhismaha iyo qalabaynta shaybaadhka tayada biyaha ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa
- Dhismaha 3 ballay oo kobcinaya biyaha Xaraf oo ah kuwa loo gudbiyo xaafadaha Ayaxa 1 & 2
Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) waa deeq lacageed oo ka taageera dawladda Somaliland hirgelinta Qorshaha Horumarinta Somaliland (NDP). Sanduuqa waxa maalagaliyay Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan dawladda Ingiriiska (DFID), Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan dalka Denmark (DANIDA) iyo Dawladaha Norway iyo Netherland.”
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
Follow us on Instagram: @Hargeisapress
Follow us on Twitter: @HargeisaP