Shaqaalaha Dekeda Berbera Oo Loo Xidhay Tababar ay Qaadanayeen Sanad iyo Badh

0
559

Berbera (Hargeisa Press): Qaar ka mida shaqaalaha dekeda Berbera ayaa loo soo xidhay tababar iyo aqoon-korodhsi u socday muddo sanad iyo badh ah.

Waxaana munaasibad balaadhan lagu gudoonsiiyay shahaadooyin ay ku mutaysteen heererka aqoontooda iyo cilmigii la soo baray.

Xaflada abaal-marinta shaqaalaha dekeda Berbera, gaar ahaan faraca Badda, ayaa ka dhacday Huteel Maansoor ee magaalada Berbera.

Waxaana ka soo qayb galgalay maamulka gobolka Saaxil, ka degmada Berbera, siyaasiyiin, ganacsato iyo marti-sharaf tiro badan, kuwasoo si mug iyo miisaan leh ula dhacay xirfada iyo aqoonta ka muuqata shaqaalaha tabobarka loo soo xidhay.

 

Maareeyaha guud ee dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa faahfaahin ka bixiyay marxaladihii uu soo maray tababarka ay u fidiyeen shaqaalaha dekeda Berbera, gaar ahaan faraca Badda.

Waxaanu sheegay inay qaban karaan shaqaalaha la tababaray oo lagu aaminayo shaqo ajanebi qaban-jiray, maareeyaha oo faahfaahinaya aqoonta la soo baray hawladeenadan tirada badan.  waxa uu yidhi“In shaqaalaha lagu sameeyo aqoon-korodhsi, tayo ahaana kor loo qaado, si ay ula jaan-qaadan shaqaalaha caalamiga ah.

Waxaanu ku dedaalnay sannad iyo badhkii ugu danbeeyay tabobarno tayayno, shaqaalihii dekeda ka shaqaynayay, gaar ahaan qaybtii faraca Badda oo ah hal-bawlaha ugu mihiimsan ee ay dekedi leedahay, soona xidha maraakiibta, isla markaana fura.

Shaqaalahaas waxa lagu tabobaray sidii ay isu-badbaadin lahaayeen, kana badbaadin laahyeen wixii mahlako ah ee k a dhaca Badda aynu masuulka ka nahay. Sidaas daraadeed waxaan Maanta ku kalsoonahay %200, inay hanan karaan, dhamaan agabka uu qarankani leeyahay ee waxna lagu xidho waxna lagu furo”.

Waxaanu intaas raaciyay “Wuxuu ahaa tabobar aad u qiimo badan, sidaad daawateen, wuxuu tabobar noociisu ku cusub yahay Somaliland.

Waxaanu qaadanay tababar lagu lixaad-saday oo aan waxba laga hagran, waxanu nuxurkiisu ahaa in lasoo saaro dad mustaqbalka hanan lahaa qaybta dekedaha ee maareenka. Ee gaadhsiin lahaa dekedaha Caalamiga ah”ayuu yidhi hawlwadeenkaasi.

Geesta kale, waxa isna halkaa ka hadlay siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), waxaanu sheegay in tabobarada la siiyo shaqaalaha dawlada uu yahay hanti qaran, isla markaana dhaxalkeeda ay u aayaan umadda dalku.

Cali Guray oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Aad baan u hambalyeynayaa dhalinyarada tabotabarada soo qaadatay iyo Maareeye Siciid, waxan idin rajaynayaa inaad wax badan kusoo kordhiseen, soona kordhin doontaa mustaqbalka dalka iyo dadka”.

Waxa kaloo halka ka hadlay Kayd Cabdilahi Xandule oo kamid ah, Guddida Boodhka Free-zoneka Dekeda. Waxaanu ku dheeraaday aayatiinka laga dhaxli doono aqoon-korodhsiga lagu sameeyey Shaqaalaha Dekeda Berbera, gaar ahaan qaybta faraca Dekeda Berbera.

Kayd ayaa  tilmaamay in meel fog uu ku socdo qaranka Somaliland, waxanu shaaca ka qaaday in Dekeda Berber aka guurtay localnimadii, isla markaana u guurtay mid Caalamiya.

“Waxaynu halkan ku daawanay Filim qiimo badan, waxanay muujinaysaa, halka aynu u socono, iyo halkaynu ka nimi,iyo weliba halkaynu marayno.

waxa maanta cadaatay in dekeda Berberi ka guurtay localnimadii, isla markaana u guurtay mid caalamiya, (International Port)”ayuu yidhi Kayd.

Geesta kale waxa isna halkaa ka hadlay Maayirka Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin), oo si weyn ugu mahad-celiyey Maareeyaha Guud ee Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, oo u ka markhaati kacay horumarka balaadhan ee u gaadhsiiyey Dekeda Caalamiga ah ee Berbera.

Maayir Cidin oo arrimahaas ka hadlayay waxa uu yidhi,  “Waxaan aad ugu mahad-celinayaa Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, isbedelka uu gaadhsiiyey Dekeda, ee uu muujiyey, in shaqaalaha Dekedaha Somaliland uu dhiso tayada aqoontooda, oo u sheego, isla markaana dhiiri-geliyo, waxaan leeyahay Maareeye waad tahay, wax wanaagsan baad u qabatay qaranka”.

Badhasaabka gobolka Saaxil Axmed Cismaan Xasan, waxaanu sheegay Maanta in qaranka Somaliland haysto Bayloodo, iyo Rag kaafiyaya baahiyihii ay Dekedi u baahnayd oo wada muwaadiniin reer Somaliland ah, oo aqoontaa uu baray Maamulkeena Dekedu waa guul usoo hoyatay Somaliland.

“Aad iyo aadbaan usoo dhowaynayaa ugu hambalyeynayaa aqoonta aad barateen waxaan rajaynayaa inaad noqotaan kuwii ugu adeega dalkooda iyo dadkooda” ayuu yidhi badhasaabka gobolka Saaxil.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY